Webmaster

Afhayeenka Jab’hada ONLF oo Ka Hadlay Halka lagu hayo Cabdikarii Qalbi Dhagax oo Somalia u Gacan gelisay Itoobiya DAAWO

London 03. September 2017 (SDN/QJ):-Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Ogaadeenia ee ONLF Cabdiqadir Shekh Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay In Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiishii Soomaaliya, sidoo kalane kamid ah Jabhadda ONLF lagu hayo xarunta Wardoonka Ethiopia. Xarunta Qalbi Dhagax lagu hayo ayuu sheegay in badi la geeyo xubnaha jabhadooda katirsan ee Ethiopia…

Read More

Dawladda Federaalka Somalia oo Waxqabadkeedii Todobaadlaha ahaa Ka Reebtay u Dhiibistii Itoobiya ee Sarkaalkii ONLF Qalbi Dhagax

Muqdisho 03. September 2017 (SDN/QJ):-Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa isbuuc kasta maalinta Sabtida ah waxa ay soo bandhigtaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Hay’adaha dowlada u qabsooma todobaadka lasoo dhaafay. Waxqabadka Dowlada ee Ibuucii tagay ay shalay soo bandhigtay Wasaarada Warfaafinta ayaan lagu soo darin Warka ku saabsan Sargaalka katirsanaa Jabhada ONLF C/kariin Qalbi Dhagax, oo…

Read More

Amiirka Guud ee Ururka Alshabaab & Nuxurka Fariin uu u diray Bulshada Soomaalida Iyo Dalalka Shisheeye ee Lugta ku leh Siyaasadda Soomaalida

Muqdisho 03. September 2017 (SDN/QJ):- Amiiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubaydah ayaa fariin maqal ah uu kusoo beegay munaasabada Iida soo diray, waxa uuna Fariintan kaga hadlayaa arimo kala duwan oo xaalada dalka kamid tahay. Fariinta uu soo diray Amiirka Al Shabaab ayuu kaga hadlay howlgalka ay qeybta ka yihiin Ciidamo…

Read More

Madaxweynihii la Riday ee Hirshabeele oo Loo Doortay inuu noqdo Madaxweyne Maamul Cusub oo lagu magacaabo Hiiraanland DAAWO

Beledweyne 03. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii dhawaan kalsoonida kala noqdeen Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo hada ku sugn magaalada Baladweyne ayaa loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha maamulka cusub ee Hiiraanland. Munaasabad ka dhacday shalay magaalada Baladweyne ayaa lagu taageeray Siyaasada Cali Cosoble, waxaana munaasabada kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan Bulshada Baladweyne Sida Odayaal,…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta & Ku Xigeenkiisa Willima Ruto oo Budhcad ku Tilmaamay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Diiday Guusha Doorashadoodii

Nairobi 03. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ee doorashadiisa la diiday ayaa weerar afka ah ku qaaday garsooreyaasha Maxkamada sare ee dalkaasi oo natiijada doorashadii uu ku guuleestay waxbo kama jiraan kasoo qaaday. Uhuru Kenyatta oo taageerayaashiisa kula hadlay suuqa Burma ee magaalada Nairobi ayaa burcad ku tilmaamay guddomiyaha maxkmadda sare dalka Kenya,…

Read More

Maraykanka oo Sheegay inay Khaarajiyeen Mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Ururka Alshabaab & Mid la Dhaawacay

Washington 03. September 2017 (SDN/QJ):-War kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen duleedka magaalada Baraawe lagu dilay sargaal sare oo katirsan Kooxda Al Shabaab.   Duqeyntan ay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka nuuca aan Duuliyaha laheyn ee dowlada Mareykanka ayaa lagu dilay Sargaal katirsan Al Shabaab mid…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka oo Si adag uga Falceliyey Cuno-qabataynta Maraykanku ku Soo Rogay iyo Qunsuliyadii Sanfaransiisko oo Albaabada loo laabay

Moscow 03. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ruushka Mr: Sergay Lafaroof ayaa si cadho ku jirto ugu dhawaaqay in dawladiisu jawaab ka bixin doonto cunaqabataynta maraykanku ku soo rogay dalkiisa iyo Qunsulyada Ruushku ku lahaa magaalada Sanfaransiisko oo albaabada loo xidhay . Mr: Sergay Lafroof, waxa uu intaasi ku daray in dawlada…

Read More

Isbahaysiga Maraykanka oo Xaqiijiyey inuu Nool yahay Hogaamiyihii Ururka Daacish & Halka uu ku Sugan yahay

Baghdad 03. September 2017 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidamada Isbahaysiga mulatariga ee maraykanku hogaamiyo ee ka dagaalama ciraaq iyo suuriya Jenaral Istiifan Tawsan ayaa ku dhawaaqay in uu nool yahay madaxii ciidaamda Daacishka Mr: Abu Bakar Al-Baqdaadi, taas oo uu ku sheegay in uu ku dhuumanayo dooxada wabiga Furaat ee dalka Ciraaq.   Jeneral Istiifan Tawsan waxa uu…

Read More

Hogaamiyihii la Sheegay in la Dilay ee Ururka Daacish Abubakar Al baqdaad oo Hadana la Sheegay inuu Nool Yahay

Hargaysa 03. September 2017 (SDN/QJ):-Waxaa suuragal ah in hogaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu weli nool yahay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada Mareykanka. Hadalkaas wuxuu khilaafayaa mid horey uu u sheegtay Ruushka oo ahaa in ciidankooda ay dileen Abubakar Al-Baqdaadi, ka dib weerar bishii May ka dhacay Suuriya.  …

Read More

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Right Watch oo ka Hadashay Xadgudubyo Xasuuq oo Loo Gaystay  Qoomiyada Rohinga ee Dalka Purma AKHRI

New York 03. September 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Human Right Watch oo ka hawlgasha difaacida xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in sawiro cusub oo dayax gacmeedku soo qaaday muujinayaan in la gubay illaa 700 oo guri oo ku yaallay tuulooyinka ay degaan dadka u badan muslimiinta ee Dalkaasi Purma. Warbixinta Hay’adani  waxa ay ku soo beegantay iyadoo…

Read More

Madaxweyneyaasha Maraykanka & Koonfurta Kuuriya oo Xidhiidh Telefoon kaga arrinsaday Xiisada ay Sababtay Waqooyiga Kuuriya

Washington 03. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynayaasha marayakanka iyo koonfurta kuuriya ayaa xidhiidh dhinaca tilifoonka ah oo ay yeesheen ku heshiiyey in wado hadal diblomaasiyadeed lala yeesho xukuumada waqooyiga kuuriya, iyadoo ay saaran tahay cunaqabataynta adag ee lagu soo rogay. Afhayeen guriga cad ee looga taliyo maraykanka u hadashay Miss: Haarison oo heshiiskan ku dhawaaqaday waxa…

Read More

“Wiilka Badda ku Dhintay Laashka ayuu iska Tuuray, inta kale haddaan loo Gurmanna Yemen buu la tegi-laa..” Badhasaabka Saaxil – Waraysi DAAWO

Berbera 02. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in Wiil ku dhintay Badda Berbera Maanta uu iska Tuuray Laash ay isaga iyo Lix Wiil oo kale oo Badda ku galeen, ka dib markii uu khalkhalay ama naxay ee Laashkaas oo aan Matoor shaqaynayaa ku xidhnayni Bad-weynta la dhex-galay, markii ay Dabayshu kaxay…

Read More

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Xisbiga Waddani Isaga Casilay Kadib Markii Xisbigaasi ku Taageeri waayay Hankiisii ahaa inuu Noqdo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda & Doodiisa Maanta DAAWO

Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah Mudane ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Isla markaana Xubin ka ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay guud ahaanba xisbigaas. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay inaanu muddo siddeed habeen iyo siddeed maalmood ku…

Read More

“Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle Waxaanu Kula Talinaynaa Inkastoo Hadalo Laga Sheeg-sheegayey In Aanu Ku Milmin Xisbiga, Haduu Xisbiga U Shaqayn Jiray Imika Xildhibaanada Ayuu Hoggaamiye U Yahay” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde DAAWO

Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ku-Meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in sababtii loo joojiyey Guddi Hawleedyadii xisbiga Waddani uu soo saaray dhawaan ay ahayd in guddiyadu aanay dhamaystirnayn, isla markaana iyagoo qabyo badani ku jiro la soo saaray. Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu intaa ku daray in markii…

Read More

“Ummaddu Dareen Bay Ka Qaadatay Komiishanka Doorashooyinka, Markay..” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland u soo jeediyey Talooyin ku saabsan Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa 13-ka bisha November ee Sannadkan 2017-ka. Sheekh Aadan-Siiro oo khudbad u jeediyey Dadweyne tiro badan oo uu Salaaddii Ciidda Carrafo ee shalay uu ku tukiyey Garoonka…

Read More

Guddoomiye Baashe oo Saxaafadda Madaxa-bannaan Ka Raalli-geliyey Go’aan lagaga Hor-istaagay Golaha Wakiillada Kuna Baaqay in Laga Waantoobo Qabyaalada Xiligan adag ee Somaliland Gashay DAAWO

Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa uu ka hadlay heerka ay qabyaaladu marayso,isaga oo shacabka ugu baaqay inay ka waantoobaan qabyaaladda. Sidoo kalena, waxa uu Saxaafadda Madaxa-banbnan ka raalli-geliyay go’aankii Axaddii toddobaadkii hore loogu diiday inay ka qaybgalaan Fadhigii lagu doortay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee…

Read More

Madaxtooyada Somaliland Maxay Ka Tidhi in Md. C.raxmaan Saylici Saxeexa ka Joojiyey 25 Agaasime & Xaaladda Caafimaad ee Md. Siilaanyo? DAAWO

Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay warar soo if baxaya oo sheegaya in madaxwayne ku xigeenka Somaliland uu saxeexii ka joojiyay 25 Agaasime oo ka tirsan Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda iyo xaaladda caafimaad ee madaxwayne Siilaanyo.

Read More