|

Baafin: Duqa Magaalada Hargeysa oo aan ka soo xaadirin xafladihii May 18

Hargeysa (SD) – Shacabka reer Hargeysa ayaa isweydiinaya waxa duqa caasimada looga waayay munaasibadihii xuska sanad guuradii 31aad ee dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaan ka soo muuqan fagaareyaashii lagu xusayay munaasibada May 18, sida caadada u ah madaxda dalka.

Dadka qaar ayaa arinka u aaneynaya in Cabdikariim ay qabsatay labo daran mid dooro, bacdamaa ay xukuumad iyo Mucaaridku kala ciideen sanadkan.

Halka dadka qaar ay iyagu sheegayaan in duqa Hargeysa hore u kala dhinteen dadkii soo doortay iyo xisbigii uu ka soo baxay, isla markaana iminka ay kala dhinteen madaxweyne Biixi.

Duqa caasimad aayaa caadiyan door weyn ku leh qabanqaabada iyo ka hadalka munaasibadaha xuska May 18.

Si kastaba, Cabdikariim Axmed Mooge oo aad loogu hanweynaa ayaa iminka u muuqda in uu maalinba maalinta ka danbeysa luminayo qaar ka mid ah dadkii codka ugu badan siiyay.

Comments are closed