|

Baarlamaanka Ingiriiska Oo Laga Akhriyey Cabasho Xukuumaddu Somaliland U Gudbisay & Hay’ad Baadhaysa

Hargaysa 31. March 2017 (SDN/QJ):-Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa loo gudbiyey isla-markaana laga hor akhriyey Cabasho Dawladda Somaliland ka gudbisay Xukuumadda Ingiriiska.

Mr. Stephen Doughty, oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, si weyna u taageera Qaddiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaciyey inuu gaadhsiiyey Xukuumadda Ingiriiska cabasho ay isaga sii marisay Xukuumadda Somaliland.

Mr. Doughty oo bartiisa Twitter ku baahiyey farriin uu kaga hadlayey arrinkan ayaa yidhi, “Waan ka sheegay Baarlamaanka Ingiriiska cabasho Xukuumadda Somaliland iigu soo gudbiyeen, werwerkooda ah in mucaawinooyinka Abaarahu gaadhaan dadkii u baahnaa.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Cabashada Somaliland ka qabto Arrintaasi ay baadhi doonto Hay’adda DFID ee Ingiriiska u qaabilsan Mucaawimooyinka, “Hay’adda DFID  ayaa baadhi doonta..(Cabashada Somaliland)..” ayuu yidhi

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa intaa raaciyey in hadalkii uu ka jeediyey Baarlamaanka Ingiriiska uu ku amaanay talaabada ay qaadhaanka dhaqaale ugu ururinayaan jaaliyadaha Somaliland ee deggan magaalada Cardiff dadkooda abaarahu saameeyeen.

Xildhibaan Doughty ma caddaynin Magaca Masuulka ka tirsan Xukuumadda Somaliland ee gaadhsiiyey Cabashada uu ka akhriyey Baarlamaanka iyo Cidda bixisay Mucaawimada uu sheegay inay Somaliland wer-wer ka qabto in Ciddii u baahnayd ay gaadhay, laakiin dhammaadka bishii February ee Sannadkan 2017-ka, ayaa Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalkaasi Priti Patel ku dhawaaqday in Dawladda Ingiriisku ay 125 Milyan oo Dollar ugu deeqday Dalka Soomaaliya, oo Dabcan Somaliland-na ku jirto maaddaama oo aan weli Somaliland la ictiraafin.

Dhanka kale, Cabashadan ayaa ku soo beegmaya dedaalo jaaliyadda Somaliland ee dibedahu ku dalbanayaan in Somaliland gaarkeeda loo siiyo deeq Dawladda Kanada ugu talo-gashay Gurmadka Abaaraha, taasi oo dhan 21 Milyan oo Dollar.

Comments are closed