|

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Xilliga Uu Caddeynayo Inuu Ka Degayo Xilka Golaha Wakiillada

Berlin 31. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Safar ku marayaan Dalka Jarmalka, ayaa markii ugu horeysay sheegay in marka uu Dalka Dib ugu soo laabto uu Caddeyn doono Xilliga uu ka degayo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo Magaalada Berlin ku sugan ayaa Telefiishanka HCTV ou sheegay in marka uu Somaliland dib ugu laabto uu Shaaca ka qaadi doono Wakhtiga uu ka degayo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi isagoo Arrintaa ka hadlaya “Imika uun baa la caddeeyay xilligii ay doorashadu dhacayso oo ay noqotay November markaa Haddii Alle yidhaahdo markaan noqdo shacbiga waan u sheegayaa markaan ka degayo baarlamaanka” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro oo la waydiiyey inuu caddeeyo Wakhtiga rasmiga ah ee uu banneynayo Xilka Guddoomiye-nimada Baarlamaanka, ayaa ku jawaabay “Anigoo Jarmalka jooga Caddeyn maayo, ee markaan Waddanka tago ayaan Caddeyn doonaa”ayuu yidhi.

Comments are closed