|

Baarlamaanka Soomaaliya oo loogu baaqay inuu Meel-mariyo Hannaanka Doorasho ee 2016-ka

BEESHA CAALAMA

Muqdisho, 15,5,2016 (QJ/SDN) – Bayaan ay si Wadajir ah u soo saareen; Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD, Mareykanka, Itoobiya, Sweden, Talyaaniga iyo Itoobiya, ayaa walaac looga muujiyay Meel-marin la’aanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Hannaanka Doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan lagu jiro 2016-ka, kasoo uu RW Sharma’arke u gudbiyay baarlamaanka 30-kii Abriil.

Beesha Caalamka, ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Somalia in sida ugu dhaqso badan uu ku meel-mariyo Hannaanka Doorashada ee Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay isku raaceen 12-kii bishii lasoo dhaafay ee Abriil, 2016-ka.

Sidoo kale, Xuibnaha Beesha Caalamka ayaa la kulmay Saddex casho ka hor Guddoonka Baarlamaanka iyo Xubnaha Guddiga Baarlamaanka u saaray turxaan-bixinta heshiiskii habka doorashada sannadkan ay kaga dhacayso Soomaaliya.

Wakiilka QM ee Soomaaliya, Micheal Keating ayaa xusay in qodobada ugu Muhiimsan ee lagu heshiiyay ay ka mid yihiin; Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo sida kuraasta loo qoondeeyay Haweenka oo ah 30%, isagoo xusay inaanay marnaba habboonayn in dib u dhac lagu keeno.

MICHAL

“Baarlamaanka Federaalka, waxaan ka codsanaynaa inay fahmaan dareenka sii kordhaya ee deg-degga ah iyo inay u gutaan waajibka kaga aaddan arrintaan, sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah, in hannaanka la isku raacvay ee Geeddi-socodka Doorashoada la meel-mariyo oo aanu dib u dhac ku imaan, iyadoo booqasho ay ku imaanayaan Somalia Golaha Ammaanka ee QM,” ayuu yiri Danjire Micheal Keating.

Ergayga ayaa hadalkiisa ku daray. “Mustaqbalka Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa hakad ku jira illaa laga meel-mariyo Hanaanka Doorashooyinka Soomaaliya.”

Dhanka kale, Xubnaha Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday inay diyaar u yihiin taageerada Nidaamka Doorasho ee sannadkan ka dhacaya Somalia, Laakiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan weli meel-marin hannaankan doorasho ee lagu heshiiyay, kaasoo ah awood-qaybsi ku dhisan 4.5.

Ugu dambeyn, Warkan kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa imaanaya xilli ay soo baxdayaan Warar sheegaya in Guddiga Baarlamaanka Somalia uu u saaray hannaanka Doorashada ay wax ka bedel ku sameeyeen Qodobbada qaar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka.

Comments are closed