|

Dad Xubno Ka Goostay Waraabe Waagu Ugu Beryay Gudaha Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 15,5,2016 (QJ/SDN) – Magaalada Hargaysa gaar ahaana xaafada Cabaaye waxa maanta lagu arkay dad saanta ama maqaarka iyo xubno kale ka goosanaya Waraabe saaka meesha lagu arkay isagoo yaalla kaas oo sida dadka xaafadu sheegeen ay dileen caruurta xaafadu kadib markii uu waagu ugu barayay isagoon ku laaban duurkii uu kasoo qadhaabsiga doontay.

HORN CABLE TV ayaa booqday goobta waxana aanu waraysanay  dhawr qof oo ka mid ahaa dadkii xubnaha ka goosanayay Waraabaha kuwaas oo noo sheegay in ay guryaha dhiganayaan oo ay aaminsan yihiin in uu ka ilaalinayo Jinka iyo weliba waxyaabaha kale la baasaysto, qaarkoodna ay ka ganacsanyeen si dadka arimahasi aaminsan ay uga iibiiyaan.

dhinaca kale mid ka mid ah Culimada Hargaysa iyo dadka khibrada u leh asal ahaanta Waraabaha iyo caadooyinkii soomaalida oo aan wax ka waydiinaysay arrinka ayaa sheegay inaanay diiintu ogalayn arinkaasi.

Xigasho: HCTV

waraabe 1waraabe 2waraabe 3

Comments are closed