|

BADHAN: Saddex Carruur Ah Oo U Geeriyooday Biyo Ay Cabbeen, Xanuun Dadka Sanka Dhiig Ka Imanayo Oo Dillaacay Iyo Tirada Cisbitaalka La Dhigay

Badhan, 23 Jeeniweri, 2017-(SDN/QJ): – Saddex Carruur ah oo Laba Walaalo ahaayeen, ayaa Habeen hore ku Geeriyooday Deegaanka Sin-caaro oo ka mid ah Deegaannada hoos taga degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Saddexda Carruur ah oo labada Walaalo ah Da’doodu kala ahayd 7 jir iyo 15 Jir, oo Maalmihii u dambeeyay u jiifay Xanuuno la aamisan yahay inay ka dhasheen Abaaraha Dalka ka jira, ayaa Geeriyooday ka dib, markii sida la sheegay ay Cabbeen Biyo laga dhaamiyey Ceel aanay Nadaafaddiisu wanaagsanayn.

Sidaana waxa Xaqiijiyey Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Badhan Cawil Maxamuud Jaamac oo Xalay u warramay Idaacadda Internet-ka laga dhageysto ee Radio koor.com

Guddoomiye ku-xigeenka oo faahfaahinaya sida Carruurtu u dhinteen, ayaa yidhi, “Carruurta dhimatay waxa iskugu biiray Xanuuno shubanku ka mid yahay, markaa iyagoo horeba u xanuunsanayey ayay Cabbeen biyo loogu shubay Baco (Dhulka loo qoday), waxay dhinteen muddo Hal Saac gudahood ah markay biyihii Cabbeen.”

Guddoomiye Cawil waxa kale oo uu sheegay, “Carruurta dhimatay laba waa Walaalo, mid kale oo ay jaar ahaayeen oo isaguna dhintay Xalay (habeen hore) wuu jiraa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Dad kalena la geeyay Cisbitaalka, “Afar kalena waa la soo qaaday oo waxa lagu dabiibayaa Cisbitaalka Badhan.”

Masuulkan oo la waydiiyey inuu sharraxo noocyada xanuunnada Dadka deegaankaa ku dhacaya, ayaa sheegay, “Dadka wax ku dhacaya Xanuunno uu Qofku marka hore Qandhoonayo, marka dambana Sanka ayuu dhiig ka imanaya, wuu ilmaynayaa, dabadeedna wuu dhacayaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dadkan waxay ka cabbi jireen Riigga Hadaaftimo, laakiin Riiggii baa jabay. Biyaha Dadka dhintay Cabbeen markaanu eegnay Biyaha iyo meelaha laga keenay waxaanu ogaanay in sababta dhimashada keentay tahay Biyaha.”

Comments are closed