|

Basaaskii Halista Ahaa Ee Gudbiyay Mashruucii “Manhattan Project”!

Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Emil Julius Klaus Fuchs wuxu ku dhashay dalka Jarmalka bishii December sanadkii 1911, waxaana qoyskooda ka koobna afar caruur ah isaguna wuxu aah kan sadexaad.

Wuxu caan ku ahaa magaciisa sadexaad ee Fuchs oo loogu yeedhi jiray. Waxa ka weynaa laba caruur oo wiil iyo gabadh ah , iyadoo gabadh kalena ka yarayd. Qoyskooda ayaa ka kexeeyay magaalada Eisnach waxay geeyeen Gymnaium siloogu daro dugsi uu ugu diyaar garoobo waxabarashada Jaamcadda .

Fuchs iyo walaaladii waxay jeclaayeen siyaasadda sida aabahood. Waxayna caan ku noqdeen magaca Dacawadii casayd oo ahayd naanays u ahayd.

Fuche wuxu galay jaamacadda sanadkii 1930, halkaasi oo aabihii ka ahaa Professor dhiga cilmiga Theology. Wuxu aad u xiisaynayay barashada siyaasadda , isagoo si joogto ah ula xidhiidhi jiray ardayda kulliyadda Social Democratic Party of Germany, waa xisbi abihii ku biiray sanadkii 1912, waana xisbi shuuciga ah oo Jarmal ah.

Aabihii oo shaqo kale ka helay jaamacadda Kiei ayaa isagana ku soo daray Jaamacadda oo marka horeba ay dhigan jireen labada caruur ah ee ka waaweynaa Gehrad iyo Elisabeth. Fuch wuxu baran jiray cilmiga xisaabta iyo physic. Sanadkii 1931 , bishii October ayay hoyadii is dishay iyadoo cabtay Hydrochloric acid. Waxaana qoyskoode intaasi ka dib hawshii guriga  ka qaaday ayaydood hooyo.

Bishii March sanadkii 1932 oo ahayd doorashadii madaxweynaha Jarmalka, xisbiga SPD wuxu taageeray Paul Von waxayna aad uga cabsi qabeen in cod badan helo murashixii ka soo horjeeday ee xibiga NSDAP oo ahaa Adlof Hitler. Wakhtigaasi waxa la sugayay in xisbiga shuucigu uu cadeeyo murashaxooda, iyagoo markii danbena sheegay in Ernt Thalmann u noqonayo musharaxooda.

Intaasi ka dib Mr.Fuchs  xisbigaasi ayuu si rasmi ah ugu biiray isaga iyo saddex ay walaalo yihiiinba.  Waxaana loo soo bandhigay inuu noqdo afhayeen madaama uu ku fiican hadalka fagaarayaasha, qancinta iyo weliba sida loo niyad jebiyo kuwa aaminsan fikrahada aanu isagu la dhacsanayn..

Fuchs iyo walaalkii Gerhard oo ka weynaa waxay labaduba ahaayeen kuwo meelaha fagaarayaasha ah si fiican uga hadla dadkana soo jiita.Waxaana uu had iyo jeer burburin jirin kulamada public ee xisbiga NSDAP oo wakhtigaasi olole xooggan waday,  waxaana dhacday in ay mar garaaceen taageerayaal xisbiga NSDAP oo weliba weibga ku tureen.

Markii uu guulaystay xisbiga NSDAP oo Hitler noqday Chancellor-ka talada Jarmalka qabtay xisbigii shuuciga ahaa ee uu ku jiray Fuchs waxa fuulay cadaadis xooggan.

Bishii Janauray sanadkii 1933, Fuchs wuxu go’aansaday inuu iskaga guuro magaaladii uu degenaa ee Kiel , sababtuma waxay ahayd iyadoo uu ku xoogganaa xisbiga NSDAP ee talada la wareegay, waxaana uu cabsi ka qabay iyaga madaama uu ahaa xubin firfircoon oo caan ah.

Waxaana uu guuray Berlin isagoo ka bilaabay waxbarasho Mac-hadka Kaiser Wilhelm Institute waxaana u bartay culuumta Physics-ka.

Bishii Feberweri  28, subax hore isagoo tareeen la socda oo qayb galaya shir uu subaxaasi lahaa xisbigiisa KPD, ayaa Tareenka dhexdiisa ku akhriyay wargeys ka warmayay dabkii qabsaday maalintii ka horaysay ee 27 Feberweri xarunta Reichstan Buliding oo ahayd xarunta barlamanka Jarmalka.

Wargeyska ayaa sheegay in dabkaasi ay danbeeyeen xisbi mucaarid ah. Waxay ahayd markii bil keliya ka hor xukunka loo dhaariyay  Adolf Hitler. NSDAP ee Hitler ayaa sheegay in will lagu magcaabo Marinus Der Lubbe oo dhalinyaro ah ka tirsan golaha dhex ee xisbiga shuuciga ah ee Dutch lagu qabtay goobta dabku ka kacay isla markaana la xidhay. Fuch waxay ku noqotay la yaab dhaleecaynta degdega ah iyo waxa soo socda e waayuhu qarsanayaan…

( La soco)

Comments are closed