|

Khubaro U Kala Dhalatay Maraykanka Iyo Australia Oo Markii Labaad Soo Saaray Maadooyin Wejiga Qofka Lagu Garan Karo

Australia 19. June 2017 (SDN/QJ):- Khubaro u dhalatay wadamada Maraykanka iyo Australia ayaa soo saaray markii labaad dawo kimikaal ah, taas oo u sahlaysa dadka baadheyaasha ah iyo dhakhaatiirta inay kala garan karaan dadka isku khaldama , sidoo kalena dadkaasi wejiyadooda laga samayn karo Koobi kale .

 

Maskan wejiga la gashanayo ayaa ah mid fududaynaya in qof kale wejigiisa la isticmaali karo ,iyada oo ay inta badan adeegsadaan kooxaha doonaaya inay dambiyada ka geystaan dalkaasi ,tanina waxay noqonaysaa haddii ay hirgasho mid lagaga hortegi karaayo dambiyada kusii badanayaa dalkaasi iyo sidoo kale dalkaasi Maraykanka oo isna ay kuwo lamid ahi ka dhacaan .

Dawadan ayaa ah mid ay ku tijaabiyeen qaybteedii hore jiirka loogu talo galay in lagu tijaabiyo waxyaalaha cusub ee looyaqaano Mice ka ama jiirka cad ,kadibna wareegii labaad ayaa lagu eegay dadka caadiga ah ,iyada oo lays bar bar dhigaayey wejigaasi foorjariga ah ee maska loo yaqaano iyo sidoo kale dawadan ,waxaanay si fudud u kala saartay labadaasi wejiy ee midna caadiga ahaa midna ahaa samayska.

Dawadan ayaa daba socotay kadib markii khubaradaasi ay hore usoo saareen dawo kale oo iyaduna ka samaysan maadooyin kimiko ah ,taas oo ay sheegeen inay dadka wejigood coodh coodhka yeeshay ama ururay ee gaboobay ay ka dhigayso sidiisii hore,labadan dawo ayaa kala dambeeyey laba bilood kadib markii laysku waday tijaabooyinkooda si talan taali ah .

Khubaradan oo ka hadlay dawada dadka wejigooda soo celinaysa ayaa sheegay inay markii ugu horeysay is weydiiyeen in la samayn karo iyaga oo ka tusaale qaatay sheeko uu lahaa ninka lagu magcaabo David Fincher oo markii dambe laga dhigay film ,kaas oo lagu magcaabo The Curious Case of Benjamin Button ,waxaanay sheegeen in muruqyada wejiga ay ka dhigayso kuwo kala baxa  marka hore iyada oo marka dambena si fudud isugu soo ururinaysa kana dhigaysa siduu hore u ahaan jiray.

Khubaradan ayaa sheegay in qofka 70 jirka ah da’ahaan uu kusoo noqon karo 20 jir ilaa 30 jir haddii uu dawadan isticmaalo ,iyada oo ay si dabiici ah u awoodaysanayaan muruqyada jidhku,sidoo kalena ay maadadani tahay mid samays ahaan aan waxba yeelayn jidhka qofkaasi ,iyada oo la sheegay in daraasadani awooda saartay samayska kiimikeed ee loo yaqaano NAD-da sida lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Cell Journal.

“muddo dheer Ayaan soo wadnay daraasadan ,mana jirto maalin ay ka fiican tahay natiijo ahaan maanta,madaama oo waxa aanu soo saarnay ay tahay wax dadka faa’ido balaadhan u leh,taasina maaha mid la odhan karo waa lagu khasaaray ,laakin waa mid faa’ido balaadhan leh ,waana in taasi la ogaadaa”.sidaas waxa yidhi Professor David Sinclair oo ah mid kamida hawl wadeenada Harvard Medical School oo ku yaala dalkaasi Maraykanka ,sidoo kalena ahaa madaxii Kooxdaasi Cilmibaadhista wadey.

“iminka waanu yarnahay ,haddii aanu xataa samayno jimicsi badan iyo sidoo kale cunto badan oo aanu cuno waxa lagu dambayn doonaa waa gabow ,markaa koley sinaba looga maarmi maayo dawadan ,sidoo kalena si kale looga maarmi maayo in jidhkeenu ahaado mid giijisan ,taasina waa sababta aanu u doorbidnay dawadan,tijaabadayadii kowaadna waxaanu ku samaynay jiir waananu ku guulaysanay,anaga oo sidoo kalena ku guulaysanay inaanu dadka laftooda tijaabo ka qaadno taasina mid guul laga gaadhey  ayay noqotay”.intaas waxa raaciyey  Prof:Sinclair.

“waxa kale oo jira dawo kale oo aanu usoo saarnay sidii loo ogaan lahaa wejiyada la xidho ee la isticmaalo loona yaqaano maaska ,taasina waxay noqonaysaa mid wadamo badan faa’ido u yeelata,xataa dalalka waaweyn oo dhibaatooyin ka haystaan dembiyada ka dhaca wejiyadaasi la xidhanaayo iyo kuwa soo koraaya intaba,inkasta oo aanay dambiyada wadamada soo korayaa heerkaasi weji bedelka gaadhin”.ayuu intaasi raaciyey Professor David

Kooxdan khubarada ah ayaa rumaysan inay tahay daraasadani mid loo baahnaa iyada oo qaadan karta waqti dheer inta lagu jiro tijaabooyinkeeda kala duwan ,madama oo aan weli la ogaan isbedelada kala duwan ee ay keeni karto dawadani,waxaanay soo jeediyeen in loo baahan yahay in natiijadan ay heleen ay tahay sidoo kale mid loo isticmaali karo dawaynta xanuunka Cancer-ka iyo sidoo kalena nooca labaad ee uu xanuunka macaanku lee yahay .

Waxaanay kooxdani qorshaynaysaa in isticmaalkiisa rasmiga ah la bilaabo sannadka 2015-ka iyada oo la marin doono laabab kala duwan oo wadamo dhawr ah ku kala yaala.

Comments are closed