|

Beel ka Mid ah Beelaha Gobolka Sanaag oo Si adag uga Biyo Diiday Wada Hadalada ay Xukuumadu u Mudaysay inay Ka Furmaan Magaalada Burco ee Beelaha Harti Iyo Go’aano laga soo Saaray

Xiin-Galool 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Shirweynaha Samowade oo muddo 15 cisho ah Deegaanka Habarshiro ee Bariga Sanaag uga socday qaar ka mid ah Beelaha Warsangeli ee deegaamadaasi dega, ayaa waxa laga soo saaray qodobo lagu soo koobay waxyabihii ay beelahaasi isla qaateen.

warsangeliShirkan oo ahaa mid ay ka qayb galeen Madaxdhaqameedka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Haweenka Beelaha Bahwadaag Reer Saalax ee Warsangeli, ayaa waxa lagaga hadlay intii uu socday arrimo kala duwan oo salka ku haya siyaasadda, Deegaanka, Horumarka iyo arrimo kale oo ay beeshaasi danohooda  ku lafa gurayeen, waxaana markii uu soo dhamaaday laga soo saaray qodobo ka kooban dhawr qodobo, kuwaas oo u dhignaa sidan:-

  1. Midnimada bahwadaag reer Saalax waxa ay tahay lama taabtaan.
  2. Beelaha bahwadaag reer saalax waxa ay xoog saarayaan arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka iyo Ilaalinta deegaanka.
  3. Waxa beesha Bahwadaag reer Saalax ugu baaqaysaa qurba joogta beelaha ee dibedaha ku nool in ay ka soo qayb qaataan arrimaha horumarka ee deegaanka iyo guud ahaan gobolka.
  4. Nabad gelyada in beesha Bahwadaag reer Saalax nabad kula noolaato deriskeeda min dooxada Nugaal illaa Xeeb, waxaanay ilaashanaysaa deegaankeeda.
  5. Waxa beesha ka reeban idhashada Dhulka, sida deegaamaysiga, kaamamka, jarista dhirta iyo wixii la mid ah.
  6. Beesha Bahwadaagta reer Saalax ugu baaqaysaa beelaha Warsangeli in ay isugu yimaaddaan shir ay kaga arrinsanayaan danohooda, waxaanay beeshu soo dhaweynaysaa horumarka gobolka laga sameeyey, sida dhismaha waddada Ceel-daahir illaa Ceerigaabo iyo dhismaha Jaamacadda Maakhir.
  7. Waxa ay Beesha Bahwadaag Reer Saalax u sheegaysaa Somaliland in aan magaca beesha Warsangeli cidi ku meteli Karin shirka ka dhacaya 25/10/2016-ka Magaaladda Burco, shirkaas oo aanu u aragno shirqool siyaasadeed.
  8. Waxa ay beeshu go’aan ka gaadhi doontaa arrimaha siyaasadda Maamulka Puntland ee hadda jira sida uu sheegay madaxweynaha Somalia in ay tahay laba gobol iyo badh.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirkii Samowade ee Deegaanka Xiingalool ka dhacay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta beeshaasi oo iyaguna ka hadlay goobta lagu soo xidhayey shirkan samowade, ayaa sheegay in ay ku midaysan yihiin arrimaha danohooda ah oo ay isku raacsan yihiin qodobadan ay soo saareen.

Comments are closed