|

Beesha caalamka oo ku baaqday in la da dajiyo Habka Doorashada Soomaaliya

Muqdisho 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku baaqday in la da dajiyo hannaanka doorashada Soomaaliya, waxayna soo dhaweeyeen natiijada kasoo baxday shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Qaran.

Waxay ku baaqeen in jedwelka sidii ay tahay loogu dhagganaado hawlaha hannaanka doorashana lasoo gabo gabeeyo bisha 6-da November, in la da dajiyo habka doorashana wuxuu muhiim u yahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Beesha caalamku waxay kaloo u riyaaqday in Madasha Qaran ay ballan qaadday in kootada haweenka ee 30 boqolkiiba laga dhabeeyo.

Waxay kaloo aad u adkeeyeen in doorashada Soomaaliya ay noqoto mid laga soo wada qayb galao, gaar ahaan maamul goboleedka la samayn doono ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe inay ka dhex muuqdaan doorashada.

Beesha caalamku waxay xustay inay ku faraxsan tahay in fulinta hannaanka doorasho uu durba ka bilowday meelo kamid ah Soomaaliya, waxayna ku baaeen in si caddaalad ah loo soo xulo ergooyinka iyo xubnaha.

Waxay kaloo beesha caalamka soo dhawaysay dhaqaalaha ku baxaya hannaanka doorasho inay si dhow u maamuli doonto Qaramada Midoobay.

Comments are closed