|

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Mamnuucay In Banaan Bax Siyaasaded Lagu Qabto Magaalada Muqdisho

Muqdisho 19.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xili dhowaan Xisbiyada siyaasada ay ku baaqeen isu soo baxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa dhamaaday ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu  mamnuucay in aan la qaban karin wax banaan baxyo ah.

maamulka-gobolka-banaadirKulan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka ee Gobolka Banaadir ayaa faray in wax banaan baxyo ah la qaban karin, iyadoo aan fasax laga heysan Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo saxaafada uga warbixiyay amarka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo xusay in la mamnuucay banaan baxyada, isla markaana maamulka tallaabo ka qaadi doono cidii qabata banaan baxyo aan maamulka wax fasax ah looga heysan.

C/fataax Xalane ayaa sheegay Maamulka Gobolka Banaadir uu dhowaan qaban doono banaan bax looga soo horjeedo in damaca Kenya ku dooneyso in qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya ay xalaaleysato, isagoo xusay in aanay gor gortan ka geli doono Badda Soomaaliyeed.

Amarkan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la hadal haayo in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho lagu qaban rabo banaan bax siyaasadeed oo looga soo horjeedo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kursiga ku sii fadhiyo, iyadoo ay ka dhamaatay mudadii sharciga aheyd ee afarta sano

Comments are closed