|

Biriishka Weyn ee Magaalada Hargaysa oo Tiirarkii uu Ku Taagnaa ay Boholo ka Jeexmeen iyo Demenaanta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland DAAWO

Hargaysa 31. January 2017 (SDN/QJ):- Biriishka weyn ee caasimadda Hargeysa ayaa halis ugu jira inuu gebi ahaanba dumo, ka dib markii tiirarkii uu ku taagnaa ay qodmeen islamarkaana ay soo baxeen birhii garaa’idka ahaa ee dhulka hoose ee fog ku qotonsanaa.

Dadweyne u badan kuwa ka ganacsatada suuqa waaheen, oo shalay ku soo xoomay biriishka Hargeysa hoostiisa, ayaa soo bandhigay halista uu Biriishka Hargeysa ugu jiro inuu dumo, waxaanay dalbadeen in deg deg wax looga qabto.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexana) ugu baaqay inuu wax ka qabto biriishka weyn ee Hargeysa maadaama oo ay masuuliyadiisu saarantahay wasaarada uu madaxda ka yahay.

Dadkan oo madaxweynaha baaq u dirayaa, waxay yidhaahdeen, “Madaxweyne Biriishkii Hargeysa wuxuu halis ugu jiraa inuu go’o, markaas madaxweyne ceeb ayay qarankeena ku tahay inuu biriishkii weynaa dumo, waxaanan kaa codsanaynaa inaad soo kormeerto oo aad deg deg uga soo gaadho inuu go’o.

 

Comments are closed