|

Madaxweyne Siilaanyo oo Amar Ku Bixiyey in La Joojiyo Hawlgelinta Shaqaalaha Cusub iyo Ciidamada Ku Jira Sannad Miisaaniyadeedka 2017

Hargaysa 31. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa amray in la hakiyo in si rasmi ah loo hawlgeliyo shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017. Qoraalka ayaa ku taariikhaysnaa January 24, 2017.

Qoraalkan Madaxweyne Siilaanyo oo lagu socodsiiyay wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, madaxtooyada, ganacsiga, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiyaha baanka iyo xisaabiyaha guud ee qaranka, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in golaha wasiiradu shirkii ay ka yeesheen joojinta sicir bararka ay ku go’aamiyeen in la qaado talaabooyin deg deg ah oo lagaga hortagayo sicir bararka iyo qiime dhacabka lacagta Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo go’aamadii golaha wasiirada tixraacaya wuxuu taxay 17 qodob oo ah go’aamo uu sheegay inay tahay waajib qaran in la fuliyo, kuwaas oo ay ku jiraan kuwii ay dawladdu hore warbaahinta ugu sheegtay ee khuseeyay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladaha ee ahaa adeegyada Zaad iyo E-dahab iyo sarrifka lacagaha qalaad.

17-ka qodob ee uu Madaxweynuhu qoraalkan ugu gudbiyay hay’adaha qaranka, waxa ka mid ah, qodob cusub oo aanay dawladdu hore u baahin oo ku saabsan qaadashada shaqaalaha cusub iyo ciidamada cusub ee ku jira miisaaniyada 2017. “Waa in la hakiyo saddex biloodka ugu horeeya ee soo socda hawlgelinta shaqaalaha iyo ciidamada cusub ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017.” ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo qoraalkiisa.

Qodobkan oo aanu Madaxweynuhu wax faahfaahin ah raacin,  ayaan la garanayn sida uu saamayn ugu yeelanayo sicir bararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland maadaama oo uu khuseeyo shaqaale cusub oo ka mid noqonaya shaqaale weynaha dawladda oo qaarkood sooba saari kara dakhli cusub marka ay hawlgalaan.

Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Siilaanyo hay’adaha ammaanka ee dalka faray inay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka hortimaada fulinta qodoban 17-ka ah. “Ugu dambayn waxaan farayaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay meelmariyaan fuliyaana go’aanadan ka soob axay golaha wasiirada JLS, islamarkaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hortimaada dhaqan galkooda.” ayuu ku yidhi Madaxweynuhu qoraalkiisa oo uu si adag ugaga digay in la isticmaalo lacag aan ahayn lacagta Somaliland.

Comments are closed