|

Boqortooyada Saudia Arabia oo maanta xukun dil ah ku fulisay Gabadh lagu Magacaabo Zamzam Cabdullahi oo Dalka Itoobiya u Dhalatay

Riyadh 03,October 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Sacuudiga ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Haweeney u dhalatay dalka Itoobiya oo lagu helay inay gabar yar oo Sacuudiyaan ah qudha ka jartay.

 

saudi-execution-690x450Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunka dilka ah ee Zamzam Abudllah Boric oo ka dhacay magaalada Riyadh uu yimid ka dib markii lagu cadeeyey inay qoorta dishay gabar yar oo meydkeedana ay Suuliga ku qarisay.

 

Dilkan ayaa noqonayaa kii 124-aad ee dowlada Sacuudigu sanadkan oo kaliya ku fulisay dad isugu jira ajnabi iyo muwaadiinin dalkaas u dhashay, waxaana dadka la dilay ku jira 37 ruux oo maalin kaliya madaxa laga gooyey ka dib markii lagu helay dembiyo ay ka mid ahaayeen argagaxisonimo.

 

Marka laga soo tago dalalka dalalka Iran iyo Pakistan wadanka Sacuudiga ayaa noqday dalka saddexaad Aduunka ee fuliya xukunada ugu badan ee dilka ah sida ay sheegtay hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International.

 

Haweenka afrikaanka ah sida kuwa Itoobiya, Soomaalida iyo kuwo kale ayaa shaqooyin u doonta dalka Sacuudi Arabia, iyagoo badankood jaariyado ka noqda guryaha.

 

Dadka lagu helo dambiyada ay ka mid yihiin dilka, Soo gelinta daroogada, burcadnimada hubeysan, kufsiga iyo kuwa ku dhawaaqa iney diinta Islaamka ka baxeen ayaa dowlada Sacuudiga waxay dilkooda ku fulisaa Seef madaxa looga jaro.

Comments are closed