|

Haweenay u dhalatay dalka Maroco oo laga helay shandad ay sidatay qayb ka mida xubinihii ninkeeda oo dhintay

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Wakaaladaha warar ee dalka Austria ayaa sheegay in haweenay u dhalatay dalka Maroco oo ku socotay dalka Austria laga helay  mid ka mida shandadihii ay sidatay xubno ka mida jidh ba’ni Adam kuwaaso ay ku sheegtay inay yihiin ka mid yihiin jidhkii ninkeeda .

 

composite-suitcaseHaweenaydan ayaa waxa lagu qabtay  Airportka Graz ee ku yaala koonfurta dalkaasi Austria,waxaa anay sheegeen qaar ka mida shaqaalaha Airporkaasi in kadib markii la baadhay shandadan loogu tagay marooyin ku jiray xaga ugu  hoosaysa shandada isla markaana waxa ay ahayeen xubno ka mid jidhka qof dhintay oo  aad loo ilaaliyay isla markaana aan wax ur ah lahayn .

 

Kadib markii la waraystay haweenaydan ayaa waxa ay sheegtay in sababta ku kaliftay arrinkan ay tahay  shaki ay qabto in ninkeeda la sumeeyay isla markaana ay ugu tala gashay inay keento dalka Austria si loogu baadho maydkiisa isla markaana ay hubiso kaliya in la sumeeyay iyo in kale war bixintan oo aan ka soo xiganay waragayska De Klien Zeitung ayaa waxa  ay sheegtay in aan haweenaydan loogu yeedhin wax ciidan ah si ay baadhaan .

Comments are closed