|

BURCO Oo Xaalad Deg-deg Ah Oo Caafimaad La Geliyey, Shuban-biyoodka Oo Meel Halis Ah Maraya, Dugsiyada Oo La Fasaxay & Dhakhaatiir La Dhigayo Kaantaroollada

Burco 01. June 2017 (SDN/QJ):-Cudurka Shuban-biyoodka oo ka Dillaacay Magaalada Burco iyo deegaannada ku xeeran ee Gobolka Togdheer, ayaa markii uu Labadii Maalmood ee u dambeeyay ay u dhinteen 24 Qof isla-markaana uu soo ritay Dad ka badan 158 Qof, waxa Magaalada Burco lagu soo rogay Xaalad Deg-deg ah oo wax lagaga qabanayo Xanuunkaasi.

Kulan Deg-deg ah oo Golaha Deegaanka Burco, Taliska Booliiska ee Magaalada Burco iyo isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer ay Shalay iskugu yimaaddeen ku dhawaaqeen in Magaalada Burco la geliyey Xaalad Deg-deg ah, taasi oo ay ka mid tahay in la fasaxo Ardayda Dugsiyada kala duwan ee Magaaladaasi, si Xanuunku aanu u sii faafin, maaddaama oo uu meel halis ah marayo, lagana cabsi qabo inuu Dad kale soo rito isla-markaana Dalka intiisa kale ku sii faafo.

Kulankaasi markii uu dhammaaday ayaa waxa Go’aamo laga soo saaray Warbaahinta u akhriyey Maayarka Degmada Burco Maxamed Muuse Muraad, waxaanu yidhi “Saacaddaa laga bilaabo (Shalay) Gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Burco waxa la geliyey Xaalad deg-deg ah oo Caafimaad. Xaaladdaa deg-degga ahna waxa ka mid ah, In Wacyi-gelinta ay iska kaashanayaan Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Caafimaadku la laban-laabo.

Xildhibaannada Afarta waaxood oo la siiyey Gaadiid u gaar ah, oo habeen iyo Maalin sida Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ah u shaqeynaya.

In Dardar-gelin Nafaadafadeed oo Qayrul-caadiya la sameeyo, maaddaama oo Xanuunku ku imanayo Nadaafad-darro. Imtixaanaadkii Iskuullada oo loo diyaar ahaa in Gabi ahaanba la joojiyo oo aan la qaadin, waxaanu tusaale ka soo qaadnay Dugsiga Sheekh Bashiir oo ay Laba Kun oo Arday dhigtaan, Jeelkii iyo Cisbitaalkii (Dadka Xanuunsanayaa ku jireen) waxay ku jiraan Boqol boqol Mitir, waxaana Imtixaanka nagala darnaaday halista Carruurteenna, in Iskuullada sida gaarka ah loo leeyahay iyo Malcaamaduhuna ay fasax dheer yihiin ayaanu Go’aan ku gaadhnay.

Farmasiiyada waxaanu leenahay Dadka Irbad waad ku mudi kartaan, laakiin Farmasii Dadka la dhigi doonaa ma jiro, Waayo? halkaa ayuu Xanuunku ka sii faafayaa.

Dhammaan Telefiishannada ka hawl-gala Gobolka Togdheer, waa inay siiyaan Qayb wacyi-gelin ah .

Kaantaroollada Magaalada Burco laga soo gelo waxaanu dhigaynaa Shaqaale Caafimaad oo Tababbaran, wixii ka sii baxaya Magaalada waalla buufinayaa, waxa soo gelayana waalla buufinayaa, Arrinkaa waxaanu iska kaashanaynaa Wasaaradda Caafimaadka, Cidda daba taagan ee fulinaysaana waa Ciidammada Ammaanka”

Dhana kale, Shir Lagaga Arrinsanayey Xanuunada Ka Dillaaca Roobabka Iyo Abaaraha Oo Ay Isugu Yimaadeen Wasaaradaha Caafimaadka, Madaxtooyada, Maaliyadda, Biyaha, Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska  Oo Ka Shalay Qabsoomay madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga hortegi lahaa loona kaantarooli lahaa Xanuunadda ka dillaaca abaaraha iyo wakhti roobaadka.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen bahda wasaarada caafimaadka oo uu hoggaaminayey wasiir Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) ayaa iyagu waxay ka war bixiyeen halka ay wax marayaan iyo sida ay xaaladdu tahay marka laga hadlo burco iyo shuban biyoodka, waxaanay soo bandhigeen daraasad muujinaysa halka uu marayo iyo sida looga hortegi karo, iyagoo meesha ka saaray in aanu xanuunku ahayn sida ay warbaahintu wax u qorayso ama dadka ugu soo gudbinayso, balse sidan uu ka sahlan yahay gacantana ay ku hayaan sidii looga hortegi lahaa ee aanu ku faafin goobo kale.

Waxa sidoo kale kulankan ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada, Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Warfaafinta, Md Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Khalil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada, Md Cabdillaahi Ibraahim Habane, Wasiiru-dawlaha Qorshaynta Qaranka, Md Cismaan Xasan Aw Cali, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Cali Hayste (Ramaax) Agaasimaha guud ee wasaaradda Khayraadka Biyaha, Md Cabdirisaaq Jaamac Nuur, Agaasimaha Caafimaadka, md Saleebaan Jaamac Dirir, Dr Shiine oo isagu ah khabiir ka tirsan wasaaradda Caafimaadka iyo Dr Muuse Xasan oo isagu ah dhakhtar ku xeel dheer xanuunadaas aynu soo sheegnay.

Ugu danbayntiina waxay masuuliyiintaasi u soo jeediyeen shacbiga Somaliland inay dhawraan nadaafada oo ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara xaalad caafimaad daro, haday tahay biyaha iyo nadaafada deegaankaba, dadkana aan la khal-khal gelin ee laga warsugo hay’adaha ku shaqada leh arrimahaasi oo ay joojiyaan dadka faafinaya warar aanay hubin dadkana cabis gelinaya, haseyeeshe mar walba lagu xidhnaado oo laga warsugo cidda ku shaqada leh arrimahaa sida wasaaradda caafimaadka.

Xaaladda Deg-degga ah ee lagu soo rogay Magaalada Burco, ayaa ku soo beegmay kulan Shalay Madaxtooyada lagu qabtay oo lagaga hadlay Cudurkan Shuban-biyoodka ee Burco ka dillaacay.

Kulankaasi ayaa Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ka qayb-galay wuxuu ku soo bandhigay deraasad muujinaysa halka uu marayo Xanuunka Burco ka dillaacay iyo sida looga hortegi karo.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay kulankaasi, waxa uu Wasiirka Caafimaadku ka sheegay in aanu xanuunku ahayn sida ay Warbaahintu wax u qorayso ama dadka ugu soo gudbinayso,oo uu sidaa ka sahlan yahay isla-markaana gacanta ay ku hayaan sidii looga hortegi lahaa ee aanu ugu faafeen goobo kale oo Dalka ah.

Comments are closed