|

‘’Buug aan Soo Xaday Ma Jirto balse Komiishanka Doorashooyinku waa kuwii Qirtay inuu Buugaasi ahaa kii Codbixinta Iyaga ayaana Mas’uuliyada qaaday’’ Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga DAAWO

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii ugu horeeyay ee Kalluumaysiga ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo haatana ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mr.. Maxamed Yaasiin Xasan ayaa ka hadlay Buug uu dhawaan saxaafada u soo bandhigay oo ahaa Kii Codbixinta Doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland kaas oo saamayn culus ku yeeshay hannaankii tirinta codbixiyeyaasha Isla markaana uu Xisbigoodu markii hore sheegay in Buugani uu yahay Mid been abuur ah oo Xisbiga Kulmiye soo samaystay.

Komiishanka Doorashooyinka ayaa dhankooda Markii hore si adag uga hadlay Buugaas dibada u soo baxay Waxayna sheegeen in aanay ka hadhayn Cida buugaas soo bandhigtay lana tiigsan doonaan Sharciga iyagoo ku dooday in hadii uu Khaladku dhankooda ka yimaado ay qaadi doonaan Mas’uuliyad darada uu sababay buugaas galay gacanta Xisbiga Waddani.

Hasa yeeshee Kulan gaar ah oo dhex maray Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayay Komiishanku ku cadeeyeen inuu Buugaasi ahaa Kii Codbixinta Doorashadda ee Gobolka Saaxil inkasta oo aanay Sheegin Sida uu Buugaasi gacantooda kaga baxay amase Cida bixisay iyo Talaabada ay ka qaadeen toona.

Comments are closed