|

Xisbiga Waddani oo Mugdi Geliyey Qaabkii ay u dhacday doorashadii Madaxtooyada iyo Cirro oo Maxkamadda Dacwad u gudbinaya Iyo Siduu u Qodobeeyay Dacwadiisa DAAWO

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):-Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cirro), ayaa Caawa shaaca ka qaaday inay Xisbi ahaan u arkaan Doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishan in Mugdi badani ka Muuqdo ee natiijadeeda Guddiga doorashada laga sugayo, ka dib markii uu sheegay in cabashooyinkoodii waxba laga qaban waayey.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku shubtay, oo aanay ahayn doorasho xor oo xalaal ah, isla markaana ay soo baxeen Sanaadduuq Codadkii laga rabay kuwo ka badani ka soo baxeen. Sidoo kale ay Codeeyeen Carruur da’dii codaynta aan gaadhsin, Dad dhintayna Kaadhadhkoodii lagu codeeyey, lana adeegsaday Guddiga doorashooyinka laftooda, welina ay jiraan Sanaadduuq madmadaw badani ku jiro oo ay Guddiga doorashooyinku diideen in la baadho.

Waxa uu Cirro intaas ku daray in uu Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbin doono Dacwaddiisa. Waxaanu Taageerayaasha Waddani ugu baaqay inay is-dejiyaan oo aanay wax rabashad ah ama nabadgelyo-darro ah ku kicin. Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in la sii daayo xorriyaddooda loo soo celiyo Taageerayaal Xisbiga Waddani laga xidhay iyo weliba Masuuliyiin Waddani ka tirsanaa oo iyaguna xidhan sida uu Cirro sheegay.

Hadalka uu ka Jeediyey Cabdiraxmaan-Cirro Shirkiisa Jaraa’id ee uu kaga hadlay Qaaddacaadda ay Xisbi ahaan Caawa shaaciyeen ee doorashada iyo qodobbada uu u cuskaday waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed