Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo ay Maanta soo Gaadheen Agabkii Ugu Danbeeyay ee Lagu Qaban doono Doorashadda Madaxtooyadda & Weedhihii laga Yidhi!! DAAWO

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maanta Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargaysa laga soo Dejiyey agabkii ugu danbeeyay ee Suurto gelinayay Qabsoomida Doorashadda Madaxtooyadda ee Ku astaysan inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka Bisha November ee Sannadkan.

Todobada Xubnood ee Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ay Weheliyaan Wakiiladda Sadexda Xisbi qaran ee wada Shaqaynta la leh Komiishanka Doorashooyinka ayaa Goob joog ka ahaa Markii agabkan oo ah Waraaqaha Codbixinta laga soo Dejiyey Madaarka Caasimadda hargaysa.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng C.qaadir Iimaan Warsame oo Kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shaqo dheer kadib ay u suurto gashay inay dalka soo wada gaadhaan dhamaanba agabkii lagu qabanayay Doorashaddda Madaxtooyadda,Waxa uu Gudoomiyuhu Xusay in wixii hada ka danbeeya la isu diyaarinayo doorashadda Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoomaysa 13-ka Bisha November ee Sannadkan.

Komishneer C.raxmaan Cismaan Iyo Komishaneer Siciid Cali Muuse oo ahaa Labada Xubnood ee Dalka dibadiisa ka keenay agabkan doorashadda ee dalka maanta soo gaadhay ayaa fariimo kala duwan u diray Shacabka Somaliland Iyo Sadexda Xisbi Qaran ee Ku loolamaya Doorashadda Madaxtooyadda oo ay inaga xigto mudo Bil Iyo Shan Cisho ah Xiliga ay dhacayso.

Geesta Kale Wakiiladda Sadexda Xisbi qaran ee Ucid,Kulmiye Iyo Waddani ee Guddida Farsamo ee Wada shaqaynta dhow la leh Komiishanka oo madashaasi ka hadlay ayaa Guddida Doorashooyinka ku amaanay dadaalka xoogan ee ay Muujiyeen Waxayna u soo Jeediyeen inay mar walba xoojiyaan Isku duubnidooda iyo go’aanada adag ee ay qaadanayaan Waxaa kale oo ay Balanqaadeen inay Fulinayaan Xeerka anshaxa doorashadda ee ay la saxeexdeen Komiishanka isla markaana ay Mudnaanta Kowaad siin doonaan Nabadgalyada Guud ee Dalka.