|

Cabdirashiid Xassan Mataan Oo Ka Hadley In Uu U Tartami Doono Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani

Hargeysa,2,8,216 (QJ/SDN) – Cabdirashiid Xassan Mataan xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Awdal ayaa waxaa uu ka hadley in uu u tartami doono musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi

Mr.Mataaan waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab u diideysa in uu u tartamo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi isla markaana xaqiiqada la arki doono marka la gaadho wakhtiga loo qoondeeyey shirka golaha dhexe waxaana uu yidhi

“Waxaan jeclaan lahaa in arintaas tartanka ah lala sugo wakhtigeeda , wax iga joojinaaya in aan tartamo ma jiraan , waxaana aad arki doontaan marka la gaadho wakhtiga loo ciyimey ” ayuu yidhi Cabdirashiid Xassan mataan .

Si kastaba ha ahatee maalinkii shalay ayey aheyd markii la shaaciyey in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee lagu soo dooran lahaa musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa doorashada uga qeyb gali doona xisbiga Wadani.

Comments are closed