|

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegay In Shir Beeleeddada Kii Qoryaale La Midka Ah Ay Xukuumaddu Ogoshahay, Iyo Calaamadaha Shirarka Qabiil Ee La Diiday

Hargeysa, 2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shirarka beelaha ee  ay xukuumadu ogoshahay iyo kuwa ay diidan tahay.

Wasiirka MadaxtooyadaWasiir Maxamuud Xaashi oo hadal ka jeediyey shir ay deegaanka Qoryaale ku soo gunaanadeen beesha Abokor Axmed(Habarjecle) ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyey musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya shirarka ay xukuumadu ogoshahay qabashadooda ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu hambalyeynaynaa go,aamada dhaxal galka ah ee ka soo baxay shirkii ka socday deegaankan Qoryaale, go,aamadaas oo ka turjumayey adkaynta nabada, horu marka, iskaashiga bulshada kale, midaynta beesha iyo  beelaha kale, xukuumada Kulmiye ee Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay waxay dhiiri gelisaa shirarka noocaas ah, waanu soo dhawaynaa, waanu ka qayb galnaa mana cabudhino reer shiraya oo wada wanaag, horumar, nabad iyo wax la mid ah, taas macnaheedu maaha siyaasad xuma ee inay umadu isku tashato  waa wax wanaagsan.”

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya shirarka aanay qabashadooda xukuumadu ogolaan doonin ayaa waxa uu yidhi “Ma ogolin mana taageerno shirarka umada u horseeda khal khalka, kala qaybinta, colaada iyo duminta qaranka somaliland waayo waxaanu nahay xukuumadii qarankan ka talinaysay ee la doortay iyo xisbigii talada hayey, shirarka noocaas ahina way reeban yihiin, waxaana shardi u ah shirarka in beesha shir qabsanaysaa ay isku raacsan tahay,  waxa kale oo shardi u ah in shirkaasi wanaag wado, mana aha macnaheedu in xukuumada lagu amaano.”

Sidoo kale Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa musharax nasiib badan ku tilmaamay Muuse Biixi Cabdi waxanu yidhi “Saaxiibkay Muuse Biixi mar wuu nasiib badan yahay oo waxa uu musharax ka yahay xisbi gaamuray oo waaya arag ah oo mudo badan soo jiray taageerayaal fara badana ku leh 23-ka degmo doorasho ee qarankani leeyahay, khibrad badana u leh doorashooyinka oo taageerayaashiisu aanay lumin mudadii ay xukuumadu talada haysay qaar kalana ku soo biireen , mar kalana wuu nasiib badan yahay oo xisbiga talada haya waa xisbigii ay xukuumadiisu wax badan qabatay, waana xukuumadii horu marka oo guulo ayey keentay markaa isaguna wuu faanayaa xisbigiisu wuu faanayaa, waxaana gurada danbe u fadhiya rug cadaagii xisbiga abuuray oo aan musharax ahay.”

Dhinaca kale waxa uu ka waramay caqabadaha haysta Musharax Muus Biixi Cabdi waxaanu mar kale yidhi “Dhinaca kale Muuse Biixi loo qarin maayo waxa haysta hawl adag, dadka isku hayntooda ileen nin gurgurshaaya oo hayina ayaa ka horeeyee ayaa laga doonayaa, dulqaad, dad wad, dabacsanaan iyo siyaasadii Siilaanyo mid la mid ah inuu ku hogaamiyo, raganimadiisu waa gaar nin walibana qarankan maalmo ayuu leeyahay, nin kasta oo qarankan u soo qooqana waxa la odhanayaa maalmahee ayaad leedahay, Muuse-na maalmihiisa isaga ayaa la soo bixi doona laakiin waxaan leeyahay marka nin culus oo oday ahi kaaga horeeyo talada iyo xisbiga ururintiisu carqalad badan ayey leedahay.”

Comments are closed