|

Cali Guray Oo Ka Hadlay Heshiiskii Saldhiga Millatari Ee Dhex-maray Somaliland Iyo Imaraadka

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay heshiiskii Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka carabta ay shalay si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalada Abu-Dhabi, heshiis dawladda imaaraadku kaga furanayso saldhig Millatari madaarka magaalo-xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal uu arrintaa kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay FACEBOOK-ga, waxaanu u dhignaa sidan:-

GEELA SOO HORA!

Waxan maqlay in heshiis ku saabsan Isticmaalka ciidamada Imaaraadka ee Madaarka Berbera saxeexiisii la soo gebogebeeyay weliba dhinaca Somaliland uu u saxeexay Wasiirka Arimaha Debadda Dr Sacad Cali Shire oo hore u balanqaaday in aanu saxeexi doonin wax aan dan u ahayn Somaliland.

Sacad wuxu ka maqnaaday Madashii Jujuubka iyo Af duubka ahayd ee Saleebaan Gaal oo ilaa hadda anigu aan qabo in dhinaca sharciyadda ay sua’aali saaran tahay loona baahan yahay in la saxo. Anigu sidii uu Saleeban wax lahaa ayuun baan diiday arinka Saldhiggana xaalkaygu wuxu ahaa “Wait and See” iyo “Feed Me More”.

Hadaba marka aan xaaladda Somaliland ee xiligan iyo marxaladdan xasaasiga ah eego shakhsi ahaan kama soo horjeedo heshiiskan dhex maray Dawladda Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka sababo la xidhiidha danta guud ee la wada leeyahay awgood.

Sidaa daraadeed midho daray waxan ku liqay duuduub. Sidii mashruucii DP World Berbera arin faaiido leh oo weliba aan u arko in waxtar gaar ah u yeelan karo magaalada Berbera marka ugu horaysaba, balse waxna si ka noqon karaan ama ka qaldanaan karaan diidmadiisa qayb ka noqon maayo kuwa ugu badan ee ka soo horjeedana waxan ogahay in aan diidmadoodu ka ahayn danta guud ee la wada leeyahay balse ay dano siyaasadeed oo iyaga u gaar ah ay ka leeyihiin dad badan oo Reer Berbera ahna ay caadifiyad iyo aqoon darro uun ka tahay oo wax loo sheegay, ama kor ha loogu sheego ama hoos eh.

Aniga oo ka duulaya qodobada heshiiska talootinka aan halkan ku soo jeedinayaa aniga oo og in aanay jirin cid dhego u lihi hadan waa igu waajib ka muwaadin ahaan waxana ka mid ah:

– in guud ahaan dadka Somaliland ay arinkan taageeraan kuwii ka biyo diidsanaana sida aniguba aan yeelay midho daray duuduub ku liqaan iyaga oo eegaya marxaladda adag ee dalku marayo una baahan in la soo ururiyo wixii khilaafaad ah ee Somaliland gudaheeda ah.

– Imaaraadka Carabtu inta aanay isku soo qaadin la wareegidda Madaarka Berbera in talaabada ugu horaysaa ay noqoto in magaalada Berbera ay wax u qabato kowna ka dhigto dhinaca Tamarta Korontada oo aan ka yarayn marka ugu horaysa dhab-dhalin 20MW ah oo ku shaqayn karta Gas oo aad uga jaban naaftada, hadii aanay ka fakarayn tamarta dabaysha ama Cadceeda. Mashruucaasi waa in uu noqdo furaha aqoonsiga wax qabadka Imaaraadka Carabta ee dadka reer Berbera.

– Wadada mashruuc walba ku jirtay ee Berbera/ Togwajaale oo markan aan hadal noqon ee loo rogo ficil oo toos loo bilaabo ilayn Visibility Study uma baahna ee waxa keliya ee ka dhinaa wuxu ahaa ” Who is paying?” Hadii jawaabtii Dawladda Imaaraadka noqotay iyadana waa in la bilaabo oo aanay hadal uun noqonin

– Arinta madaarka labaad ayaa ka fakir iyo diraasad u baahan waayo anigu waxan ka farkarayaa ama is waydiinayaa ma gudaha Berbera ayuu ku haboon yahay mise waxaba kaga haboon hadii wadada la balaadhiyo Sheekh iyo inta agagaarkeeda ah si Berbera iyo Burco labadaba uu Madaar ay wadaagaan uu u noqdo?

– Ugu dambaystii heshiiskan waxa fiican saxna ah in Golaha Wakiilada mar kale la hor geeyo si ay u ansixiyaan si la mid ah mashruucii DP World taas oo soo af jari karta muranka dhinaca sharciga waxanan leeyahay waa waajib

Qandaraasyada la xidhiidha Mashruuca Dekedda iyo Madaarka Berbera sidii hore yaan laga yeelin waayo waxa ka dhalan kara khilaaf gebi ahaanba fashilin kara mashaariicdan

Caligurey.

Comments are closed