|

Cali Khaliif Galaydh oo Ka Sheekeeyey Sheeko Cajiib ah oo dhex-martay Wiil Toddoba Sano Jir ah DAAWO

Balli-cad , 28 September, 2016 – (SDN/QJ) – Hoggaamiyaha Kooxda Maamulka Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka sheekeeyey qiso cajiib badan, isla markaana aad loogu wada qoslay oo dhex-martay isaga iyo Wiil yar oo toddoba sano jir ah oo la yidhaahdo Cabbaas-yare.

prof-cali-khaliif-galaydh-iyo-cabbaas-yare-qiso-cajiib-badan-2016Prof: Galaydh oo ka hadlayey Madal Shir weyni ka socday oo ay dad badani ka qaybgaleen oo lagu qabtay deegaanka Balli-cad oo ka tirsan gobolka Cayn ama Buuhoodle, kaasoo lagaga hadlayey aayaha Khaatumo iyo qaabka loo waajahayo wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland u furmay oo lagu wado dhawaan inuu si rasmi ah ugu bilaabmo labada dhinac.

Haddaba, Hadalka Cali Khaliif Galaydh kaga sheekeeyey Qisada qosolka iyo Xigmadda, dareenka iyo ujeeddada leh ee Cabbaas-yare, waxaannu jecelnahay inaannu idiinku soo gudbinno Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan Daawadayaal:-

Comments are closed