|

Cambaarayn caalami ah oo la kulantay Riwaayadda Raadiyaha ee BBC-da kadib Markii ay taageertay Tahriibta

London , 29 March, 2016 (SDNQJ): – Riwaayadda raadiyaha ee ka baxda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa la kulantay cambaarayn xooggan oo sheegaysa in riwaayaddaasi ay dhiiri galiso tahriibta.

bbc media actionCashuur bixiyeyaasha dalka Ingiriiska ayaa aad uga cadhooday in 90 Malyan oo Euro lagu bixiyo barnaamij dhiiri galinaya in la tahriibo.

 

Riwaayadan ayaa loogu talo galay inay ka baxdo Soomaaliya iyo Kenya, oo ah goobaha ugu daran ee laga soo tahriibo.

 

Mid kamid ah jilayaasha ayaa haweenay ku waaninaya inay safarto iyadoon wadan alaab culus, si safarka tahriibta ugu fududaado.

 

Qof kale oo jilaa ah ayaa isna Yidhi “xilligan waa xilligii ugu fiicnaa ee loo tahriibi lahaa Yurub”

Riwaayaddan waxaa soo saaray barnaamijka  BBC Media Action,  oo ay taageerto dawladda Ingiriiska.

 

Cinwaanka barnaamijka waa “ Maalmo Dhaama Maanta” , waxaa ku taxnaa dad gaadhaya 2 malyan oo dhallinyaro ah.

Andrew-Bridgen_zps4db1a792Inkastoo jilayaashu ay ka digaan khatarta tahriibta, laakiin qayb kamid ah ayaa aad loogu buun buuniyaa nolosha Yurub.

 

Xildhibaan Muxaafidka ka tirsan oo lagu magacaabo Andrew Bridgen ayaa jariiradda the Mail u sheegay in barnaamijkii loogu talo galay joojinta tahriibta uu dhiiri galiyo tahriibta taasina ay tahay mid aan loo qaadan Karin.

GUJI HALKAN SI XAQIIQDA WARKAN AAD U ARAGTO

Comments are closed