Shirkadda DP World Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Dhamaystiray Heshiiskii Kama Danbaysta Ahaa ee U Dhexeeyey Labada Dhinac

Dubai 25.  February 2017 (SDN/QJ):- Maalmihii u danbeeyey waxa Imaaraadka Carabta ku sugnaa wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda somaliland oo halkaasi u joogay inay dhamaystiraan wixii qabyo ka ahaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray DP World iyo Somaliland, markii kulankaasi soo dhamaadayna waxa saxaafadda la hadlay Safiir Baashe Cawil, Maareeye Axmed Yuusuf Dirir…

Read More

Somaliland: Wasiir Faratoon oo ka Hadlay Tallaabooyin ay Kula Tacaalayaan Sixirooleyaasha iyo Saldhiga Millatari ee UAE

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland  Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa digniin adag u diray dad ku shaqaysta sixirka  oo falal sixir iyo tuugo ah dadka ku haya, waxaanu xusay in ciidanka booliska iyo laamaha ammaanku ka hawlgalayaan isla markaana cid kasta oo lagu soo qabto falalka sixirka in ay talaabo adag ka qaadi doonaan….

Read More

Xaddiga Raashin Caawimo ah oo Dawladda Federaalka Itoobiya Soo Gaadhsiisay Somaliland DAAWO

Wajaale 25. February 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya kala wareegtay Deeq Raashin ah oo loogu talogalay Dadka Abaarahu saameeyeen, taas oo ka koobnayd 16 Gaadhi oo nooca is-jiidka ah oo ay Itoobiya soo gaadhsiisay Xadka labada dal isku xidha ee dhinaca degmada Wajaale. Raashinkaas Deeqda ah ee Itoobiya soo gaadhsiisay Somaliland oo ka koobnaa…

Read More

Xukuumadda oo Xoriyadiisii Dib ugu Soo Celisay Weriye Maxamed Baashe Xaaji Xasan & Dheg u Dhigid La’aantii Awaamiirtii Maxkamadaha

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Goor dhawayd Xoriyadiisa Dib u Helay Weriye Maxamed Baashe Xaashi Xasan oo dhawr Cisho Ku Xidhnaa Xarunta Denbi baadhista ee Magaaladda Hargaysa. Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Racfaanka ayaa Maanta Soo Saaray Laba Qaraar oo Sheegaya in Eedaynta Maxamed Baashe X.Xasan ee dhinaca Xeer Ilaalintu aanay Waafaqsanayn Sharciga Dalka iyadoo la faray…

Read More

Ciidamadda Amaanka Somaliland oo Si Cad u diiday Fulinta amar lagu Sii Day’nayay Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo Todobaad Xidhan,Nuxurka Eedaynta Xukuumadda & Dhawaqa Daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanka DAAWO

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):- Ciidamadda Amaanka ee Somaliland ayaa Si Cad u hor istaagay Qaraaro ay Maxkamadda Racfaanka iyo ta Sare ka Soo Saareen Weriye Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo haatan ah Agaasimaha Telefishanka Star Tv. Ilaa maanta waxa ururka SOLJA, ururada bulshada rayidka ah iyo dad kale ay joogeen xarunta CID horteeda iyaga oo…

Read More

Saadaal sanadkii hore laga bixiyay in Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia Xasan Kheyre Xil Muhiim ah ka qaban doono Somalia

Oslo 25. February 2017 (SDN/QJ):-Wargeys caan ah oo kasoo baxa dalka Norwey laguna magacaabo Dagbladet ayaa sanadkii hore qoraal lagu qoray waxaa lagu saadaaliyay in Xasan Cali Kheyre uu xil muhiim ah ka qaban doono gudaha Soomaaliya. Waxa uu daabacay Wargeyska bishii Agoosto ee sanadkii 2016 in Xasan Cali Kheyre oo ahaa muwaadin heesta dhalada dalka…

Read More

Todoba Cisho oo Rumaan ah Kadib Waxaa Maanta Balantu ahayd In Maxkamadda La Hor Keeno Weriye Cabdi Maalik Coldoon & Dooda Daneeyeyaasha Kiiskiisa DAAWO

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Saxafi Cabdimaalik Coldoon oo ay maanta ugu eekayd todoba maalmood oo ay rumaan xabsi ku hayn ah ugu dirtay maxakamaddu isla markaana ballantu ahayd in la horkeeno si dacwaddiisa loo gudo galo ayaan maxakamadda la hor keenin. Cabdimaalik oo ku xidhan Dhismaha Unugga La dagaalanka Argagixisada/counter terrorism unit oo ka tirsan xarunta…

Read More

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Ka Qeyb-galay Xaflad Lagu Soo Bandhigaayey Buug Laga Qoray Abwaan Aadan Tarabi DAAWO+SAWIRO

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu soo bandhigaayey buugga Hangool oo laga qoray sida oo  kale na lagu ururiyey gabayaddii tirade badnaa ee Abwaan Aadan Tarabi. DAAWO, Khudbaddii uu guddoomiye Cirro halkaas ka jeediyey,  https://www.youtube.com/watch?v=ExGYIQYrRKk&feature=youtu.be

Read More

Dhacdo Layaab leh Nooceeda aan horey loo arag oo ka dhacday Magaalada Hargeysa & Maxkamadda Degmada Hargaysa oo Garnaqeeda Maanta Bilowday

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Dhacdadan Fajaca iyo Amakaaga Galisay Bulshada Qaybeheeda Kala Duwan Ayaa Ka Dhacday Todobaadadii Ina Soo Dhaafay Magaalada Hargeisa. Mid Kamid Xaafadaha Magaalada Hargeisa oo ka tirsan degmada Axmed Dhegax Ayaa Dhawaan Waxa Isku Aroosay Lamaane Wiil iyo gabadh  Waxaana Wiilkan Arooska Cusub Galay Ka Shaqeeyaa Mid Kamida Warshadaha Kala Duwan ee Soosaara…

Read More

SALDHIGGA BERBERA: CADDAANI Iyo CIRRO Oo Fagaare Isku Waydaarsaday Hadallo Weerar & Weerar Celis Ah

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa si fool ka fool ah isku waydaarsaday hadallo Weerar iyo weerar celis ah, ka dib markii ay si wada jir ah uga qayb-galeen Munaasibad Hargeysa lagu qabtay. Wasiirka Warfaafinta, oo sidoo…

Read More

“Odaygaa (Siilaanyo) Ee aynu ognahay duruufta Maanta ku xeeran, Waar dhibta ka daaya..” Sheekh Aadan-Siiro + DAAWO

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa  ka hadlay Xaaladda Adag ee Maanta Somaliland marayso. Sheekhu wuxuu Xukuumadda ku canaantay Xadhigga Agaasimaha Telefiishanka Star Maxamed Baashe Xaaji Xasan, kaasi oo Toddobaadkii hore Xukuumaddu xidhay, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka soo horjeedo Saldhigga Dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Magaalada Berbera.

Read More

Hargaysa: Qisada Gabadh Dhallinyaro ah oo Gurigooda Laga Kaxaysatay Iyo Haweenay La Sheegay inay Sixirtay oo la Qabtay

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Raxma Cabdi Muxumed, oo ah gabadh dhallinyaro ah ayaa ka sheekaysay sixir lagu qabtay oo dabadeed sabab u noqday in la kaxaysto, balse ay markii dambe ka soo fakatay ka dib markii uu miyirkeedii u soo noqday. Raxma oo degen xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay sheegtay in gabadh da’ ahi…

Read More

Xisbiga Waddani Oo 36 Jir Reer Gabiley Ah U Magacabay Madaxa Ololaha Dorashada Madxweynaha

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa 36-jir reer Gebilay ah u magacaabay Madaxa Ololaha heer qaran ee Xisbiga doorashada madaxtooyada Somaliland ee bisha October ee sannadkani la filayo inay dalka ka qabsoonto. Sida ku cad warqad uu ku saxeexan yahay Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa loo magacaabay inuu noqdo…

Read More

9 Ra’isul Wasaare Kadib, Liiska Iyo Tirada Wasaarado Ay Tahay In Aanuu Magacaabin R/Wasaare Kheyre

Muqdisho 25. February 2017 (SDN/QJ):-16-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa ka jiray wasiirro lagu keenay 4.5 iyo mar uun wasiir i dhaha, wasaarado boorso lagu wato, wasiir kasta marka la magacaabo waxaa uu wasaaradda iyo shaqadeeda ka dhigaa mid beeleed, waxaa intaa dheer wasiirro magacooda la maqlo maalinta la magacaabo, waxqabadkoodana aan la…

Read More

”Farjaamo Haduu La Mid Noqdo Madaxweyneyaashii Ka Horeeyay Waynu Khilaafaynaa” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya, waxaanu ugu baaqay inuu ixtiraamo madax banaanida iyo qaranimada Somaliland, waxaanu sheegay in aanay cidna uga habraynin jiritaanka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah…

Read More

Wasiir Caddaani “Waxa kugu Adkaanaya Inaad kala Saarto Warbaahinta Muqdisho iyo BBC-da oo aad Moodo mid Laga wada Maamulo Xamar”

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta iyo Wacyigelinta  Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa shaaca ka qaaday in laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay ka  baydhay  wararkii xaqiiqada ku dhisnaa ee lagu  yaqaanay. Waxa kale oo uu sheegay in idaacadaas aad moodo in Xamar laga xukumo. Waxaanu xusay  inay qoraalo hore…

Read More