|

Ciidamada Amaanka ee Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigey Nin Dilka Ka Geystay Deegaanka Gunbur-Libaax ee Gobolka Togdheer Iyo Gudoomiye Ramaax oo ka Hadlay Afar Dil oo Gobolkaas ka Dhacay DAAWO

Burco 30. June 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan ayaa ka hadlay dil ka dhacay deegaanka Gunbur-libaax waxaanu sheegay in  ninkii dilkaasi geystay ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku .

 

“ Afar dil ayaa ka dhacay gobolka Togdheer, kan ugu danbeeyay oo ka dhacay deegaanka Gunbur-libaax ciidamada amaanka oo kaashanaya odayaasha iyo dadka deegaanka ayaa gacanta ku soo dhigay xaaladuna waa ay degan tahay, waxaana deegaanka Gunbur-libaax ka dhacay dil fool xun hawshaasi oo culeys weyn laheyd, oo dadna lagu afduubey waananu ku guuleysaney, waxaaso dhamina waxaa ay ka bilaabmeen sandaqad meel laga dhisay”

Comments are closed