|

Ciidamada Booliska Oo Albaabada U Laabay Xafiiskii Xisbiga Waddani Ee Degmada Qoryaale Iyo Mas’uuliyinta Xisbigaasi Oo Dhaliilo Xoogan Ujeediyay Xukuumada DAAWO

Qoryaale 30. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska ayaa albaabada u laabay xafiiskii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku lahaa degmad Qoryaale, sida uu sheegay gudoomiyaha xisbiga Waddani ee degmada Qoryaale ee Gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha degmada Qoryaale ee xisbiga Waddani isaga oo arrimahaasi ka hadlaayana waxaa uu yidhi “Intii aanu xisbigani degmada ka dhaqaajinay oo sanad shan bilood laga joogo cabudhin iyo cago jugleyn xadhig iyo handadaad, iyo qoomo iyo xabad ayaanu kala kulaney waxaana u danbeeyay xafiiska xisbiga Waddani ee aanu imika hor taaganahay ayaa labadii habeenimo ee habeen hore loo soo daatay iyada oo ciidamada booliska iyo gacan dawladeedba loo adeegsanayo oo nimankaasi maamulka ahi dabada ka riixayaan waxaana lagala baxay agabkii xafiiska-yiilay waxaanu leenahay dhaca oo ka dega qaar kalo dhaamaba imane”

Comments are closed