|

Ciidamada Danab ee Kamaandowsta Somalia oo Gacanta ku Dhigay Shan Nin oo Ka Tirsan Ururka Alshabaab DHAGAYSO

Mudug10.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Kumandosta ee dowladda Somalia ay soo qabteen shan ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabab oo uu ku jiro nin ajnabi ah.

205057C6-9B1B-4F4B-9C87-6D50C16394D9_cx0_cy4_cw0_w987_r1_s_r1Warkan ayaa wakaaladda wararka Somalia ee SONNA ay ka soo xigatay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, Cali Baashi Maxamed Cumar.

Ninka ajnabiga ah ee lagu soo qabtay howlgalkan ayaa lagu magacaabaa Sa’id Abdullahi Abubakar (Al-Sudani), oo u dhashay dalka Sudan, Al-Shababna u ahaa hogaamiyaha kooxda Qaraxyada.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab ee xoogga dalka Somalia ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo ka fulinayay magaalada gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow dhow.

Comments are closed