|

Gabadh Soomaaliyeed oo ku Guulaysatay Kursiga Baarlamanka Degmo ka Mid ah Minnesota

Minnesota 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- lhaan Cumar oo ah gabar Somaliyeed ayaa si hordhac ah loogu sii caleema saaray in ay noqoto xildhibaanka Barlamaanka Minissota u matali doona degmada 60-B ka dib tartan adag oo ay la-gashay mushariixiin kala duwan.

2-4Gabadhan ayaa ka guulayasatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba Maxamuud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed , kaasi oo isna loolan adag u soo galay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursigan.
Mar ay la hadlaysay taageerayasheeda oo ay ku jiraan bulshada Somalida ah ee Maraykanka degan ayaa waxa ay u mahad-celisay cid walba oo ka qayb-qaadatay guushan oo ay ku sheegtay in ay tahay taariikh cusub. “Taageeradiina ayaa keentay waxaan oo guul ah ,waxaan marar kala duwan ka soo qayb-galay ololayaal caynkan oo kale ah ,balse wali ma arkin koox ka wanaagsan kooxda ololaha doorashadayda ” ayey tiri Ilhaan Cumar.
“Waxaan rabaa in dhamaantiin aan idin xasuusiyo in aysan jirin cid niyad-da ku haysay in guushan oo kale aan gaari karno, waxaana jiray bilowga ololahayga kuwa igu yiri ma guulaysan kartid, mararka qaarkood sababo aan ku aamini karay ayaa jiray ” ayey mar kale tiri Ilhaan oo ay ka muuqatay shucuurta guusha. “Waxaan u baahan-nahay hogaamiyayaal badali kara bulshadeena ,waxaa jira dhalinyaro tiro badan oo shaqo la’aani ay hayso “ ayuu yiri Xasan Cabdi oo kamid ah Soomaalida Minneapollis, kaasi oo markii ugu horeysay codkiisa dhibtay shalay.
Maxamed Jaamac oo la taliye dhinaca ololaha u ah Ilhaan ayaa sheegay in ay dhici karto in dadka codaynaya aan la siinin tilmaamihii saxda ahaa ee doorashada isaga oo cabasho arinta la xiriirta u gudibiyay garyaqaanka jooga Brian Coyle Center oo ah halka ay dad-badani codadkooda ka dhibanayeen.

Ugu danbayn ,Soomaali badan ayaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay guusha Ilhaan Cumar ee xisbiga dimuqraadiga,waxaana lagu wadaa in doorashooyinka guud oo dhici doona bisha Novembar ay si rasmi ah u noqoto xildhibaanad-da barlamaanka Minisota u matali doonta degmada 60-B.

Comments are closed