|

“Ciidamada Imaaraadku Tababarray Kama Amar Qaataan Dowladda, Gaashaan & Danab-na Mareykanka Ayay Hoos Tagaan..” Xog uu Wasiir Kashifay DAAWO

Muqdisho 24. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiikii hore ee Amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta aanay ka amar qaadan taliska Ciidanka Milateriga.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidamada Imaaradka ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhex maray Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, wuxuuna caddeeyay inaysan weli daacad u ahayn ciidamadaasi dowladda Soomaaliya.

“Imaaraadka Carabta waa sax xero ciidan ayay ku leeyihiin Muqdisho, laakiin ciidamada tababarka loo dhameeyay, waxay awaamiirta ka qaataan Imaaraadka, inkastoo Ciidamo Soomaaliyeed yihiin, balse uma dhega nugla Taliska Ciidanka, intii aan Wasiirka ahaa, waxaa jiray isku dhac iyaga, Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska dhex martay, is faham la’aanta jirta ayay qeyb ka tahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Ciidamada ay tababarreen Mareykanka ee NISA sida Gaashaan iyo kuwa DANAB ayuu sheegay in marka howlgal loogu baahdo loo maro saraakiisha Mareykanka oo aanay toos u hoos imaan taliska Nabadsugidda.

Comments are closed