|

Ciidamada Somaliland oo dafiray warqad ay daabaceen

Hargeysa (QJ) -Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa meesha ka saaray warar maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay barta Facebook-ga ee ciidamada, kuwaas oo lagu dhaliilayay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo dalalka reer galbeedka.

Afhayeenka Ciidamada Milatariga Somaliland C/raxmaan C/llaahi Cabdidheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wararka la daabacay ay yihiin kuwo aan rasmi ahayn, isla markaana ay la socdaan madaxda ciidamada.

“Waxaanu jawaab cad ka bixinaynaa warqadda lagaga hadlay arrimo kala duwan oo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin dhaliilo loo jeediyay dawlado badan, iyo qaar ka mid ah xisbiyada qaranka Somaliland, balse warqaddaasi kama soo bixin xafiiska taliyaha ciidamada qaranka,” ayuu yidhi Cabdidheere.

Waxa uu ku micneeyey in warqaddaasi ay ka timid shaqsi ka tirsan ciidamada, isla markaana markii ay ka war heleen la qaaday tallaabooyin laga qaaday dadkii ku hawlanaa ka hadalka xiriirka dibadda ee Somaliland.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamadu ay dhexdhexaad ka yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, islamarkaana aysan ka hadli karin arrimaha siyaasadda dibadda.

“Cid kasta oo warqaddan ay gaarto waan ka raaligelineynaa, si buuxda ayaan uga cudur daaraneynaa, sinaba ma ahan warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka” ayuu yiri Cabdidheere.

Qoraal dhawaan lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Millateriga Somaliland, ayaa lagu sheegay in haddii Mucaaradka Somaliland ku guulaysto Doorashada inay xidhiidh la samayn doonaan Waddamada Reer bariga oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Leave a Reply