Muqdisho September 04, 2024(QJ) War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in in ka badan 19 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalo ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka koowaad oo socday muddo 24-saac ah ayaa ka dhacay deegaanka Geed-ma’arke oo hoostaga degmada Ruunirgood, halkaasi oo ay ku diyaarinayeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa lagu dilay 14 ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka labaad ayaa lagu beegsaday ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Heelle, halkaasi oo ay lacago baad ah uga qaadan jireen dadka safarka ah. Shan ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarka.
Sidoo kale, Howlgalka Ceel-Heelle ayaa lagu burburiyay Gaadiid dagaal oo ay Maleeshiyada ka soo qaateen goobtii ugu horeysay ee howlgallada ka dhacay, waxaana ka mid ah Gaari Gaashaaman oo loo yaqaanno “Cabdi-Bile” iyo Booyad Biyo ah.
Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladdu ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah.
