|

Ciidamo lagu soo bedelayo ATMIS

Muqdisho March 21, 2024 (QJ) -Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed Al-Amine Souef ayaa xaqiijiyay in bisha December la soo gabagabeyn doono ka bixitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa sidoo kale sheegay in howlgal cusub uu ka billaabanayo Soomaaliya marka ciidamada ATMIS-ka laga saaro dalka dhammaadka sannadkan, taasoo uu xusay inay ku timid codsi rasmi ah oo ay Soomaaliya u gudbisay.

“Codsiga Soomaaliya ee ku saabsan u wareejinta howlgalka cusub ee nabad ilaalinta wuxuu iftiiminayaa baahida loo qabo taageero caalami ah oo lagu xasilinayo Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Souef.

AMISOM ayaa isku diyaarinaysa in ay la baxdo 4,000 oo askari, kuwaas oo la qorsheeyay in ay Soomaaliya ka baxaan bisha June.

Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka saaray ilaa 5,000 oo askari, waxaana ay 13 xero ciidan ku wareejiyeen ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, kadib markii la soo gabagabeeyay wajigii koowaad iyo labaad ee ka bixitaankii sanadkii hore.

Comments are closed