|

Ciidanka Booliska ee Maamul Goboleedka Punt land oo Gacanta ku dhigay Lacag Been abuur ah oo Suuqyada Boosaaso la soo geliyey

Boosaaso 18. September 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay lacago shilin Soomaali faalso oo lagu soo qariyay fuustooyin, waxaana lacagahan been abuurka ah la doonayay in la galiyo Suuqa magaalada Boosaaso.

 

Ciidanka booliiska ee ku sugan Koontaroolka laga galo magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen fuustooyin lagu soo qariyay lacago been abuur ah, Fuustooyinkan ayaana afka laga soo alxamay si aan loo arag waxa ku dhax jira.

 

Taliyaha booliiska Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada qabteen lacago been abuur ah oo la doonayay in magaalada lagu khal khal galiyo laguna abuuro sicir barar, waxaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada qabteen dad la tuhmayo in lacagtaasi wateen.

 

 

Ciidanka booliiska ayaa lacagtan ay qabteen waxa ay ku wareejiyeen Wasaarada Maaliyada maamulka Puntland, waxaana booliiska uga mahad celiyay lacagtan ay qabteen Wasiirka Maaliyada ee maamulkaasi.

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland iyo deegaada kale ee maamulkaasi waxaa mudooyinkan ka jiray sicir barar baahsan, waxaana sicir bararkaasi sabab looga dhigay lacago faalso ah oo deegaanadaasi la geeyay .

Comments are closed