Ciidanka Waddanka Ciraaq oo Guluf Ciidan Ku ekeeyay Magaaladda Qadiimiga ah ee Mosul & Sida Kooxda Daacish Isugu Adkaynayso Magaaladaasi

Mosul 20. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Qaranka Ciraaq ayaa weerar culus ku haya magaalada Mosul qaybteeda qadiimka ah, dagaalka oo galay maalintii koowaad ee ay ciidanka Ciraaq ku doonayaan inay dib uga qabsadaan magaalada kooxda ISIS.

Ciidanka qaarka ah ee Ciraaq iyo booliska Fadaraalka ayaa ka ruqaansaday galbeedka iyo koonfurta magaalada ayaa la kulmaya iska caabin iyo mitidnimo ay ku dagaalamayaan kooxda ISIS.

Kooxda ISIS ayaa ku dagaalamaysa qoryaha moortarka iyo gawaadhin ay ka buuxaan waxyaabaha qarxaa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay dad gaadhaya 100,000 oo qof oo shacab ahi ay ku sugan yihiin magaalada Mousel qaybteeda qadiimka ah, balse dadka waxa loo sheegay inay meesha isaga tagaan haddii ay kari karayaan.

Ciidanka Ciraaq ayaa sheegay inay si qunyar socodnimo ah u wadaan dagaalka, iyaga oo ka hortagaya dhimasho badan oo ku timaado dadka shacabka ah ee ku xaniban deegaanka ay gacanta ku hayaan kooxda ISIS. Afhayeen u hadlay ciidanka Ciraaq qaybta Aragagixsada la dirirta ayaa sheegay inuu dagaalku yahay magaalo ku dagaalan, balse la xadidayo duqeyntii cirka iyo madaafiicdii goobaha lagu garaacayey, waayo goobta uu dagaalku ka socdo waa meel ay ku badan yihiin dadka shacabka ahi.

Ciidanka Ciraaq ayaa sheegay in aanay ilaa hadda hubin tirada rasmiga ah ee kooxda ISIS ee difaacaysa magaalada qaybteeda qadiimiga ah.

230 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay weerarkii ay galbeedka magaalada Mousel ku qabsadeen ciidanka Ciraaq, dadka qaarkood waxa lagu diley duqeyn cirka ah, halka kuwa kalena toogasho lagu diley iyaga oo ka qaxaya deegaankooda. Dadka ka soo qaxay deegaankan uu dagaalku ka bilaabay ayaa sheegay in aanay jirin cunto iyo biyo.