|

Ciidanka Xorta ah ee Suuriya oo La Wareegay Gacan ku haynta Magaaladda Raqa

Raqa 18. October 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka soo baxay dalka Suuriya ayaa sheegay in ciidamada xorta ah ee dalka Suuriya la wareegeen magaalada Raqa ee dalkaasi, iyagoo taageero balaadhan ka helaya wasaaradda difaaca ee dalka maraykanka.

Saraakiisha ciidamada maraykanka ee ku sugan aagga Raqa ayaa xaqiijiyey warkan iyagoo intaas ku daray in ay gaaf wareegayaan jabhada ciidamada xorta ah, ee dalkaasi suuqyada magaalada Raqa, inkastoo ay sheegeen in ilaa konton ka tirsan ciidamada Daacish ay ku hadhsan yihiin garoonka kubada cagta iyo cisbitaal halkaasi ku yaala iyagoo dhuumanaya.

 

 

Geesta kale, magaalada Raqa ayaa ahayd xaruntii ugu weynayd ee ciidamada Daacishka, taas oo lagu tilmaamay in ay dhabar jab weyn ku tahay ciidamadaa Daacish oo halkaasi haystay seddexdii sannadood ee u dembeeyey.

Comments are closed