|

16 Ka Tirsan Ururka PKK oo Ciidanka Turkigu ku Dileen Buuralayda Waqooyi ee Ciraaq

Ankara 18. October 2017 (SDN/QJ):- Saraakiisha ciidamada Turkiga ayaa sheegaya in ay 16 ka tirsan ururka PKK ku dileen Buuralayda waqooyiga Ciraaq  gaar ahaan gobolka Saab, ka dib markii ay u adeegasadeen diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Darooniska.

 

Saraakiisha ciidanku waxa ay intaasi ku dareen in duqayntan cirka ah ee lala beegsaday PKK ay jawaab celin u tahay ka dib markii qarax miino ah ururka PKK la beegsadeen ciidamo Turki ah oo saarnaa Baabuur marayey xuduuda u dhaxaysa Ciraaq iyo Turkiga, taas oo ay ku dhinteen laba Askari halka laba kalena ay ku dhaawacmeen maalintii shalay.

 

Dhinaca kale, ururka PKK ayaa saldhigyo ku leh waqooyiga Ciraaq dhulkaas oo Buuralay ah oo ku adag in ay galaan ciidamo ku gaashaaman hubka culus iyo gaadiidka, isla markaana waxa ay u adeegsadaan duqayn cirka ah, iyagoo u aqoonsan in ay yihiin argagixiso.

Comments are closed