|

“Ciidankayagu wuu ku filan yahay in uu badda ka difaaco jabhad iyo budhcadba” Waa Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Lagu Qalabeeyay Radaarro ay Kula Socon Karaan Dhaqdhaqaaqa Badweynta

Hargaysa 21. February 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ciidammada ilaalada xeebaha ku qalabaysay  Raadaarro lagala soconayo dhaqdhaqaaqyada iyo  wax kasta oo soo gala badweynta, si loo sugo ammaanka xeebaha Somaliland. raadaarkan oo ah mid    casri ah oo lagu ogaan karo 65 Mayl  oo badwaynta ah, sidaasna waxa daboolka ka qaaday ciidanka ilaalada xeebaha Admiral Cabdi Xirsi Ducaale.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidankiisu  ka hawlgalaan guud ahaan badda Somaliland isla markaana ay dalka ku leeyihiin afar Saldhig oo waawayn oo ku  kala yaalla Saylac,Berbera, Maydh iyo Laasqoray kuwaasoo suga nabadgelyadda xeebta Somaliland oo dhererkeedu 840Km.

 

Taliyuhu wuxuu  tilmaamay in ay ka feejigan yihiin in ay badda Somaliland soo galaan cid  kasta  oo lid ku ah nabadgelyada dalka, sida kalluumaysatada sharci darrada ah, tahriibiyeyaasha, budhcad baddeeda iyo kooxaha argagixisada ah.

 

“Waxaanu nahay ciidan sharci fulineed oo ku dhaqma shuruucda dalka u yaalla ee qaranka Somaliland uu leeyahay,waxaanan illaalinaa amniga dalka qaybtayada taasoo ah waajibaadkayaga qaran. waxaanu  u taagan nahay sharci fulin waxaanan ku fulinaa cid kasta oo ku soo xadgudubta badda Somaliland oo ku soo gasha sharci darro.  waxa kaloo aanu ka qayb qaadanaa hawlaha nabad-gelyada xeebaha dhulka iyo baddaba,”ayuu yidhi Taliyaha ciidammada ilaalada xeebaha oo shalay u warramay wargeyska Dawan.

 

Taliyuhu waxa uu xusay inay u dhabar adaygeen ilaalinta xeeb dheer oo  xataa dalalka waaweyn ku adkaan lahayd, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka hawlgalaa bad aad u dheer oo ay adag tahay in  ay dawlado awood badan lihi sugaan ammaankeeda, taasina waxay ku timi Somaliland sida ay isugu tashatay oo ah in cid kasta hawsha loo xilsaaray in ay culayskeeda xammisho oo ay u dhabar adaygto. markaa waxaanu u taaganayay sharci fulin iyo dhawrista ammaanka badda iyo xeebaha Somaliland.”

 

Taliyaha oo ka hadlayay saldhigyada ciidan ee ay ka hawlgalaan iyo waxyaabaha ay ku qalabaysan yihiin,ayaa yidhi. “Waxaanu ka hawlgallaa  guud ahaan Badda Somaliland afar saldhig oo ku kala yaalla Saylac,Berbera,Maydh iyo Laasqoray. afartaa saldhigba,  waxaa jooga ciidanka Illaalada xeebaha oo ku qalabaysan laashash yar yar oo ay kula socdaan ammaanka Badda.

 

Waxa kaloo aanu hadda markii ugu horraysay dalka ka hirgelinay Raadaarro lagula socdo dhaq dhaqaaqyada badda ka socda raadaarradaas oo ah kuwo casri ah oo lagu arkayo 65 Mayl oo  gudaha badda,  imikana waxaanu ku rakibnay laashash ciidanku leeyahay oo markay masaafo  dheer gudaha badda u galaan in ay haddana la socon karaan oo ay arkayaan 65 Mayl gudaha badda. Qalabkaas   waxaanu ku rakibnay saldhigga Saylac waxaanan wadnaa in aanu saldhigayda kalena ku rakibno oo lala socon karo guud ahaan badwaynta Somaliland cid kasta oo soo gelaysa in kasta oo baddeenu ay aad u dheer tahay  haddana  ciidanku markasta hawlgal ayay ku jiraan,waxaanan si adag uga hor tagnaa in ay badda Somaliland soo galaan wax kasta oo sharci darro ah hadday yihiin kalluumaysatada shisheeye ee kalluunka tuugada ku gurta,hadday magafayaasha wax tahriibiya  iyo Budhcad baddeeda Soomaaliya ee maraakiibta qafaasha.”

Admiral Cabdi Xirsi Ducaale  oo ka jawaabayay su’aal ahayd  in ay awood u leeyihiin in ay badda ka difaaci karaan kooxaha Yemen ka dagaalama haddii ay ku soo xad gudbaan badda Somaliland,waxa uu yidhi  “Horta ciidanka Illaalada xeebuhu wuxuu ku qalabaysan yahay laashash iyo doonyo yar yar iyaguna  waa jabhad oo nagama qalab iyo awood badna markaa ciidanka Illaalada xeebuhu wuu ku filan yahay in uu badda ka difaaco jabhad iyo budhcadba.”

 

Taliya oo ka hadlayay sida ay uga hawl galaan in aan badda qashin lagu daadin karin iyo in ay Tahriibiyeyaashu  marin  ka samaystaan badda Somaliland,waxa uu yidhi, “Horta ma jiro wax qashin ah oo baddeenna lagu daadiyaa oo ciidanku aad ayay uga hawlgalaan inkasta oo gaadiid yaraan iyo qalab yaraaniba jirto oo ay ciidanku u baahan yihiin in loo helo gaadiid baddeed oo ka badan inta ay hadda haystaan.

 

Dhanka kale Tahiibtu dalkeenna dhanka badda kama jirto, laakiin waxaa ina soo mara dad lug ah oo socod innagu soo mara marar ay dhacday in ay isku dayeen in ay magafayaashu baddeenna wax ka tahriibiyaanna waa laga hawlgalay markaa ciidan baddeed oo dhisan ayuu dalku leeyahay laakiin waxaa loo baahan yahay  waa in awooddiisa  gaadiid iyo khibradeed in kor loo qaado taana waanu wadnaa qorshaheedii marba waxay haynta qaranku noqoto in laga tayeeyo.”

Comments are closed