|

Murrashaxa Madaxwayne Ku-Xigeenka Ee X.WADDANI Oo Ugu Baaqey Shacabka Somaliland In Ay Ka Hortagaan Xukuumadda KULMIYE Ee Boobka Hantida Bilowdey DAAWO

Hargaysa 21. February 2017 (SDN/QJ):-Amb Maxamed Cali Aw Cabdi Murrashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa si adag uga hadlay saldhiga Milateri ee xukuumadda madaxwayne Siilaanyo magaalada Berbera ka siisay dawlada Imaaraaddka Carabta,waxaana uu soo bandhigay dhibaatooyinka uu horseedi karo saldhigaasi.

Amb Maxamed Cali Aw CabdiMurrashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ugu baaqey shacabka reer Somaliland in ay iska qabtaan hanti boobka ay ku jirto xukuumadda KULMIYE.

Comments are closed