|

Codbixintii Doorashada Maraykanka oo Si Rasmi ah u Bilaabantay,Kala Horaynta Labada Murashax & Halka Lagu Kala Baxayo

Washington 08,Novembar 2016 (SDN/QJ):- Codbixinta doorashada Madaxtinimada dalka maraykanka ayaa si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaan Wadanka Maraykanka, iyadoo doorashadani tahay tii ugu tartanka adkayd ee muddo dheer soo marta wadankaasi.

2016-10-28t200143z-1512853371-s1aeujqaktab-rtrmadp-3-usa-election-ohio
Musharaxiinta labada xisbi ee tartanka adagi dhexmarayo Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa codadkoodii ka dhiibtay goobo codbixineed  oo ku yaalla Magaalada Newyork, isagoo mid waliba sheegtay in uu guulaysan doono

Gobolada saamaynta ku leh natiijada doorashada ee ay ku kala hadhayaan labada musharax ayaa waxaa ka mid ah  Gobolada Florida. Ohio, Pennsylvania, Michigan, North Crolina iyo Georgia

Khasaare ka soo gaadha Donald trumo gobolada Michigan Florida iyo Pennsylvania waxay dhabbaha u xaadhi doontaa guul ay gaadho Hillery Clinton

hillary-trumpGobolka Nevada ee K/Galbeed  ayaa sidoo kale ka mid ah gobolada aya codadka hordhaca ah ee labada musharax aadka isugu dhow yihiin

Gobolka Florida ayaa waxaa maanta codbixinta u soo baxay dad aad u tiro yar, taasoo ka timid iyadoo dadka gobolkaasi badankoodu codkooda hore u dhiibtaan intii lagu jiray maalmihii la soo dhaafay ee ay socotay codbixinta hormariska ahayd.

Sida la ogyahay musharaxa doonaya in uu ku guulaysto doorashadani waxa looga baahan yahay in uu ku guulaysto ilaa 270 cod oo ah qiimayn laga sameeyo guulaha laga kala gaadho Goobaha codbixinta iyo Natiijada guud ee gobolada dalka Maraykanka.

Comments are closed