|

Mid Ka Mid Ah Jilayaasha Ugu Caansan Aflaamta Hindiga Dadka Soomaaliduna Aad U Yaqaanaan Oo Lagu Xukumay Xabsi Hal Sano Ah

Delhi 09. November 2016  (SDN/QJ):-Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Aditya Pancholi oo ay dadka Soomaalida ee xiiseeya Aflaamta Hindigu u yaqaannaan Indha-Cadde ayaa waxaa dorraad xukun adag ku riday Maxkamad ku taalla wadanka India ka dib markii lagu helay dacwad lagu soo oogay oo ugu dambayn keentay in ninkaasi muddo 12 Bilood ah liinta ku cabbo xabsiga dhexdiisa iyada oo xukunkaasi yahay waliba mid aan iib galayn.

aditya-pancholiMaxkamadda ayaa hal sano oo xadhig ah ku xukuntay jilaagan ka dib markii lagu qaaday fal dambiyeed uu galay 11-sano ka hor oo mudadaasi ay baadhitaano ku socdeen ugu dambayna dhagaysigii dacwaddiisa oo iyana muddo socotay kadib aakhirkii xaakinkii kiiska gal dacwadeedkan hayay uu Sabtidii ku dhawaaqay xukunkan xabsiga ah oo dhan muddo sannad ah oo dhammays tiran.

Jilaaga Aditya Pancholi oo dhallinyaradu u taqaano Jirjir ama indho cadde waxaa xukunkan ku ridday maxkamad ku taalla magaalada caanka ah ee Andhara oo uu xiddigani ku nool yahay ama uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ka dib markii lagu helay inuu jidh dilay qof dariskiisa ah sannadii 2005 kaasoo ay murmeen. Aditya Pancholi ayaa la sheegay in uu wakhtigaasi garaacay nin ay murmeen. Waxaa sidoo kale Aditya Pancholi lagu xukumay ganaax lacageed oo u dhiganta qiyaastii $300 inuu bixiyo maadaama uu xilligaas ninka dariskiisa ahaa si xun u jidh dilay sankana ka jebiyay ka dib markii labada nin uu dhexmaray muran la xidhiidha goob gaadiidka la dhigto.

Booliska dalka Hindiya ee magaalada Andhara ayaa xilligaas xidhay Jilaaga Aditya balse damaanad ayaa lagu sii daayay, waxaana dacwaddani ay socotay muddo 10 sano ka badan.

Pancholi ayaa markii uu ka soo baxay Maxkamadda xukuntay waxaa su’aalo kala hortagay koox weriyeyaal ah, hase ahaatee waxaa uu jawaab kaga dhigay afka oo uu farta saaray taasoo la macno ah inaanu hadleynin, iyadoo qareenadiisu sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan xukunkan. Aditya Pancholi oo Soomaalidu aad u taqaano ayaa inta badan lagu xasuustaa filimada uu ka qayb qaato isaga oo inta badan ku matala nin Khaayin ah iyo waliba isaga oo jacayl khasab ah matala oo haweenka ku jeclaada si khasab ah. Waxaanay dhallinyaradu u yaqaannaan Jirjir ama indho cadde.

Comments are closed