|

C/Raxmaan Faroole oo Ciidamo gaar ah la yimid Muqdisho iyo Layaabkii shalay ay sameeyeen!

Muqdisho 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole waa mudane ka tirsan aqalka sare ,21-kii bishan ayuu yimid Muqdisho, dadkoo dhami waxaa ay sugayeen xiliga uu Faroole imaan doono Muqdisho madaama uu yahay hogaamiye ay ku adagtahay qadiyada Puntland, ulama jeedo inuu neceb yahay Muqdisho laakiin waxaa laga dareemaa xisaabtan siyaasadeed oo hufan oo kala dhaxeeya siyaasiyiinta koonfurta.

Waxey aheyd markii afaraad ee uu yimaado Muqdisho tan iyo 1991-dii sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu caasimada ku qabtay maalin ka hor doorashadii aqalka sare.

Ujeedada warbixintani ma ahan qaabkii ay u dhacday doorashadii aqalka odayaasha ee uu kusoo baxay hogaamiyaha hadalka kulul Cabdi Xaashi Cabdulaahi laakiin indhaha dadka oo dhan ayaa eegayay madaxweynihii hore ee Puntland Senetor Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

Faroole ayaa Muqdisho la yimid 30 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland, dabcab markii aad ciidan aragto fasiraad badan uma baahna shaqada loo keenay, laakiin waxaa isoo jiidatay qaabkii uu Faroole ku tagay xarunta aqalka odayaasha iyo sida uu isaga xil saaray amnigiisa.

Waxaa uu la socday gaadiidka raaxada ee aan xabadu karin ee layiraahdo “bullet proof “ waxaa sidoo kale wehliyay 30-kii askari ee kala yimid Garoowe , dadka oo dhan waxaa ay sugayeen in askarta la socotay Faroole lagu reebi doono banaanka laakiin taasi ma dhicin

Ilaalada gaarka ah ee Mr Faroole waxey gudaha u galeen xarunta doorashada, waxey u ekeyd arin uu gudoonku og yahay, ma jiro qof kale oo ka tirsan aqalka oo ciidan gaar ah la galay gudaha xitaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tirsan aqalkaas.

Xanta aqalka ayaa isku badashay maxaa ilaalada Faroole loogu ogolaaday iney gudaha soo galaan , ciidamada gudaha soo galay ma aheyn kuwo qoryo sitay laakiin dad goobta joogay waxaa ay sheegeen iney bistoolado siteen.

Dareenka dadka goobta ku sugan qaar waxaa uu saarnaa ilaalada Faroole oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada Somalia 2017, Waxaa kaloo caajiib aheyd in qof walba oo isku daya inuu la istaago Senetor Faroole in ay ciidanku iyagoo badan hareeraha ka istaagayeen.

Dadka ka faalooda qadiyadaha nuucaan ah waxa ay aaminsan yihiin inuu Faroole wali u muuqdo mid saameyn iyo go’aamo xoogan kuleh dalka madaama rabitaankiisa uu fuliyay, qaarna waxa ay qabaan inuusan wali aaminsaneyn amniga Muqdisho.

Waa arin uu kaga duwan yahay musharaxiinta kale ee aan Muqdisho kasoo jeedin kuwaas oo aan muujin iney masuugsan yihiin amniga caasimada.

Faroole oo dadka reer Barigu ay ku tilmaamaan hogaamiye ruuxi ah iyo Siyaad baraha cusub ee qarniga 21 aad ayaa la eegi doona sida uu amnigiisa u maareeyo maalinta doorashada madaxtinimada oo aan wali la iclaamin.

Comments are closed