|

Kenya oo sheegtay ineysan joojineyn duulimaadyada Soomaalida ee lagu baaro Wajeer

Muqdisho 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney sii wadeyso Baaritaanadda lagu hayo Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia ee sii mara magaalada Wajeer.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Diyaaradaha Rayidka ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa sheegay inay waajib tahay in dayuuradaha ka ambabaxa Muqdisho ee ku sii jeeda Nairobi sababo dhinaca ammaanka ah awgood lagu baaro Garoonka Wajeer.

Gilbert Kibe oo la hadlayey Wargeyska Africa Review ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inaysan jirin wax qorshe oo khasab oo lagu joojinayo baaritaanadda dhinaca Ammaanka ee lagu sameeyo dhamaan Dayuuradaha ka yimaada Muqdisho, kuna sii jeeda Nairobi.

Arintan ayaa khilaafsan heshiis afar bilood ka hor ku kala saxiixdeen Muqdisho madaxda labada dal kaasoo dhigayey in la fasaxo Qaadka Kenya ee la keeno Somalia oo xiligaas xayirnaa, taas bedelkeedna Kenya ay saddex bilood gudahood ku joojiso duulimaadyada Soomaalida ee lagu baaro Wajeer.

Dowlada Somalia aya markiiba fulisay heshiiskaas, iyadoo maalintaas maalintii xigtay Qaadka Kenya loo soo dhoofiyey Somalia, balse Kenya oo saddexdii bilood ee ay qabsatay ay ku ekeyd 13-kii December ee sannadkii hore ayaan illaa hadda dhinaceeda ka fulin heshiiskaas.

Warar todobaadyo ka hor soo baxayey ayaa sheegayey in dowlada Somalia ay qorsheyneyo iney mar kale hakiso Qaadka laga keeno Kenya si dowlada wadankaas ay ugu cadaadiso iney fuliso heshiiskii ay wada saxiixdeen balse illaa hadda ma jiro go’aan arintan la xiriira oo ka soo baxay dowlada Somalia.

Kenya ayaa ka caga jiideysa iney fuliso heshiiskaas iyadoo ka faaiideysaneysa madaxda dowlada Soomaalida oo ku mashquulsan ololaha doorashada Madaxweynaha, kuwaasoo aan xiligan u soo jeedin iney ku mashquulaan arrimo kale.

Comments are closed