|

DAAWO: Dawladda Soomaaliya oo Magacowday Safiiro Uu Yuusuf Garaad ku Jiro

Muqdisho,27,5,2016 (QJ/SDN) – Kulanka Golaha Wasiirada  oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horeyn waxaa lagu soo dhoweeyay xeerkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku meel mariyay hanaanka doorashada dadban ee sanadkan 2016, taasoo horay Xukuumadda ugu gudbisay baarlamaanka, balse markii ay adkaatay ansixinta Baarlamaanka uu Madaxweynuhu xeer uu soo saaray ku meel mariyay.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo aheyd magacaabista saddex safiir oo kala ah Yuusuf Garaad Cumar oo horay u soo noqday Madaxii Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, C/wahaab Macalin Maxamed Xaaji Aadan iyo Cabdi Aadan Diiriye.

Saddexdan xubnood ayaa Golaha Wasiirada waxay u ansixiyeen in loo magacaabo Safiiro buuxa, hase ahaatee waxaa wareegto ku soo magacaabi doono Madaxweynaha Jamhuuriyada oo saddexdan u magacaabi doona dalal ku yaala Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Comments are closed