|

Waa Sidee Xaaladda Waxbarashada iyo Ta Masjid-jaamaca Magaalada KAAM-ABOKOR?

DAA;UUD

Hargeysa, 27,5,2016 (QJ/SDN – Xaaladda waxbarasho ee magaalada KAAM-ABOKOR ee degmada Daruur gobolka Jarar ee DDSI ayaa ah mid meel fiican maraysa, iyadoona waxbarashad maadiga ah ee magaaladaasi ay ku tallaabasatay horumar ballaadhan.

Macallin Daa’uud Aw-Faarax oo ka mid ah macallimiinta magaalada Kaam-Abokor ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Shabakadda GaloolMedia ku sheegay in xaaladda waxbarasho ee magaaladaasi ay sanooyinkii u danbeeyay ay ku tallaabsatay horumarro kala duwan gaar ahaan tan maadiga ah, inkastoo macallinku uu ka dayriyay xaaladda waxbarashada diiniga ah ee magaaladaasi.

‘’Waxbarashada magaaladu aad bay iskooga fiicantahay khaasatan weliba marka laga hadlayo xagga maadiga aad bay ugu fiicantahay oo waa meel iskuulkii hoose kii dhexe iyo kii sareba ay ka dhisanyihiin, markaa ardayda ku tacalluqda iskuulka waxbarashadiisa aad bay u dhisantahay, dad bandanna way ku dedaalaan, sida dadka deegaanka iyo hay’adaha oo masuul iska saaray. Laakiin xagga diiniga dedaal badan malahan dadku oo dhanka diiniga ah.’’ Ayuu yidhi Macallin Daa’uud Aw-Faarax

Sidoo kale, Macallin Daa’uud ayaa waxa uu noo sheegay in mulcaamadii lagu dhigan jiray qur’aanka Kariimka ee magaaladu ay tahay mid xidhan isla markaana u baahan in dib u dhis lagu sameeyo si ardayda loogu baro qur’aanka iyo diinta islaamka.

‘’Mulcaamadii magaaladu hadda way xidhan tahay oo waxay u yara baahantahay in dib u dhis lagu sameeyo, in muddo ahna ardayda waxba looguma dhigin, markaa waxaan rajaynaynaa in ay soo farsameeyaan ILLAAHAY iyo ciddii uu diraa’’ ayuu yidhi markale Macallin Daa’uud, isagoo nooga warramayay xaaladda mulcaamadda Abokor.

Dhanka kale, Macallin Daa’uud Aw-Faarax waxa uu nooga warramay xaaladda Masjid-jaamaca magaalada Kaam-Abokor oo muddo qabyo ahaa, isagoona macallinku dadka muslimiinta ah ee Khayrka jecel ugu baaqay in ay masaajidkaasi soo qabyo tiraan.

‘’Ku dhawaad laba sanno ayuu qabyo nagu ahaa masjid-jaamaca magaaladu, waxaana aan ka rajaynayaa in dhameytirkiisa ay kasoo qayb-qaataan dadka muslimiinta ah ee muxsiniinta ah’’ ayuu yidhi Macallin Daa’uud oo ah isla Iimaamka Masjid-jaamaca magaalada Kaam-Abokor.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda waxbarasho ee magaalada Kaam-Abokor ayaa ah mid meel fiican maraysa, wallow laga dayrinayo xaaladda waxbarashada Diiniga ah.

Xigasho: GaloolMedia

Comments are closed