|

Daawo:- Filimkii Xassan Xanafi Xaaji [Dilaaga Wariyaha] Oo Xaqiiqadiisa La Kashifay

Muqdisho (QJ/SDN  Kooxda “Journalists For Justice” [Saxafiyyiin U taagan Cadaaladda] ayaa Internet-ka ku baahisay Muuqaal ay ku sheegeen iney ku soo bandhigayaan qisada xaqiiqda ah ee Filimkii dhawaan laga soo duubay Xassan Xanafi Xaaji oo ku jira gacanta DF-ka.

xanafi

Kooxdan oo magaceeda loo soo gaabiyo “J4J” ayaa ku sheegtay hordhaca Video-ga in Dawladda Federaalka oo kaashaneysa sirdoonnada Mareykanka ay maxaabiista kula kacaan jidh-dillo fool xun, ka dibna ay ka soo saaraan qiraal ay ku maxkamadeeyaan dhibanaha.

“Ka dib baadhitaano la sameeyay, J4J waxey heshay caddeymo si buuxda la isugu halleyn karo oo muujinaya in DF-ka oo gacan ka heleysa Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ee Muqdisho ay badanaa habab tacaddi iyo jidh-dil leh u maraan Su’aalo Weydiinta Maxaabiista, sida Ceegida iyo biyo ku harqinta” ayaa lagu yidhi Filimka.

J4J ayaa sheegeysa in qiraalka xoogga looga keeno maxaabiista ay dhacdo in loo adeegsado caddeymo lagula tiigsado Maxkamad, oo ka dibna xilliyada qaar dil toogasho ah lagula xukumo.

Kooxda ayaa intaas ku dartay in Muuqaalka ay soo bandhigeyso uu yahay xog uruurin ay gacan ka siiyeen xubno aysan magacaabin oo ka tirsan DF-ka iyadoona uu ka hadlayo cajaladda Xassan Xanafi Xaaji oo beeninaya dhamaan waxyaabihii uu ku sheegay Filimkii ay ka soo gudbiyeen warbaahinada ku hadla afka DF-ka [DILAAGA WARIYAHA].

Xanafi oo u hadlaya si deggan, cod nadiif ahna laga maqlayo ayaa ka sheekeyay qaabkii uu ugu gacan galay sirdoonka Kenya ee ku qabtay magaalada Nairobi, halka Dawladda Federaalka ay sheeganeyso in sirdoonkoodu uu Xanafi ka soo qabtay Xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Cajaladdan ayaa ah middii Koowaad oo qeyb ahaan 3 cajaladood oo kooxda J4J ay sheegtay iney baahin doonto, kuna soo gudbin doonto macluumaad xassaasi ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka J4J ay Baahisay

Comments are closed