|

‘’Xisbiga WADDANI qayb kama noqon doono soo jeedin, qorshe ama go’aan kasta oo lagu hakinayo diiwaangelinta’’

Hargeysa (QJ/SDN) – Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saarray Dib-u-dhigis lagu sameeyay Diwaan-galinta Cod-bixiyayaasha oo la filayay inay todobaadka soo socda ka bilaamanto Gobolka Maroodi-jeex,gaar ahaana Degmooyinka Hargaysa iyo Sallaxley.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiggaasi,Cabdiraxmaan-cirro,ayaa u dhignaa sida tan: “

cirro

Ujeeddo: Mawqifka Xisbiga WADDANI ee ku Wajahan Hakinta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Mudane Madaxweyne naga guddoon salaan xushmad iyo qadarin mudan.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxay dalka ka bilaabantay 16/1/2016. Bilawgii diiwangelintana xaaladda abaartu way ka jirtey gobollada dalka oo dhan. Bulshada Gobolka Togdheer waxay soo jeediyeen baaqyo kala duwan oo ay ku codsadeen in dib loo dhigo bilawga diiwangelinta, hase yeeshee waxa la go’aamiyey in la bilaabo diiwaagelinta iyada oo la tix-geliyey qorshe-hawleedkii qaranku isku raacay ee diiwangelinta cod-bixiyeyaasha loo dejiyey.

Sidoo kalena abaar adag ayaa ka jirtey Gobolka Awdal waxayna codsadeen in diiwaangelinta dib loogu dhigo, lagamana yeelin. Sidoo kale, Gobollada Saaxil, Hawd iyo Gebiley oo duruufo adag oo abaaro ahi ka jireen waa laga diidey in diiwaanglinta dib loo dhigo.

Todobaadka soo socda oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso Gobolka Maroodijeex isla markaana aanay jirin duruuf ka duwan tii ka jirtey Gobolladii hore ee diiwaangelintu ka dhammaatey ama ay ka socoto komishankuna diyaariyey dhammaan wixii hawl ahaa ee looga baahnaa bilawga diiwaangelinta iyo iyada oo aanay jirin wax cabasho ah oo ka yimid shacbiga gobolka Maroodijeex lana xidhiidha dib-u-dhigista diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ma muuqato mana jirto sabab loo hakiyo ama loo joojiyo.

Mudane madaxweyne joojinta ama hakinta diiwaangelinta waxay keeneysaa fashil ku yimaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo qaranka tacab badani ka galay, waxaana Somaliland ka soo gaadhi doona hantaaqo iyo dhibaato aanay ka soo kaban karin, iyada oo hore ay u fashilantay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee 2008/2009.

Sidaas darteed Xisbiga WADDANI qayb kama noqon doono soo jeedin, qorshe ama go’aan kasta oo lagu hakinayo ama dib loogu dhigayo diiwaangelinta guusha ku dhow oo aannu u aragno in haddii la hakiyo ama dib loo dhigo ay qaranka u geysanayso dhib weyn oo aanu ka soo kaban karin.

Ugu danbayntii Xisbiga WADDANI waxa uu soo jeedinayaa in la isku wado u gurmadka shacbiga ee abaaraha iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, maadaama ay diiwaangelintu ka dhammaatey Gobollada Awdal, Togdheer, Saaxil, Hawd iyo Gebiley, loona baahan yahay in si siman looga hawl-galo gobollada dalka.

_____________________________________

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Comments are closed