|

Daawo:- Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Madaxweyne Siilaanyo U Jeediyay Shacabka

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland ayaa  khudbad muuqaal ah kasoo dhex diray madaxtooyada, isagoona khudbaddiisaas kaga hadlay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin, abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo Hakinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu shacabka Somaliland usoo jeediyay in Alle ay baryaan, si uu nicmadiisa innoogu shubo oo uu abaaraha inooga soo furto, isagoona sidoo kale u mahadceliyay guddida gurmadka abaaraha Somaliland.

‘’Waxaan leeyahay dadkayga marka aynu isku naxariisanno ayaa ILLAAHAY-na innoo naxariisanayaa, Nebigeenii suubanaa NNKH waxa uu yidhi; kuwa naxariista waxa u naxariista ALLAHA naxariista badan. Sidaas darted waxaan ku gobaabinayaa dadweynaha gudo iyo dibedba qurbejoog iyo qolqol-joogba intuba in aanay u kala hadhin gurmadka abaaraha baahsan’’ Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo

 

https://www.youtube.com/watch?v=N217Ke770zo&feature=youtu.be

Comments are closed