|

Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo dalka ku soo laabtay Jawaab Adagna ka bixiyey Weerarkii Jabuuti

Hargeysa (SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii ay soo dhamaysteen  boqasho ay ku joogeen muddo afar maalmood ah boqortooyada Kuwait  halkaas oo uu ku marti-qaaday Amiirka dalka Kuwait  Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Mid ka mid ah Warfidiyeenada ku sugnaa qasriga madaxtooyada ayaa madaxwaynaha waydiiyay  mawqifkiisa ku aadan xad gudubkii ciidanka ka tirsan  ilaalada xeebaha Jabuuti  ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan Marines-ka Somaliland mida kalena ay ku dhawaceen ee ka dhacay jasiirada Ceebaad ee Biyaha Somaliland, waxaana madaxweynuhu kaga jawaabay sidan “Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray  annagu haddii aanu  Somaliland  nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani  ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa  INSHAA ALLAHU TACAALAA ”.

Comments are closed